Dawladda Somalia waxa ay doonayso way taqaan

0
Somaliland dal ma tahay?

Dawladda Somalia waxa ay doonayso way taqaan

W/Q Guuleed Dafac

War-murtiyeedka daahay ee Jibuuti ka soo saartay shirka magacyada badan leh ee ka dhacay 15-17 June dalka Jibuuti wuxuu siday nuxur duulmar ah oo aan hoos loogu daadegin waxa ay ku heshiyeen dhinacyadu. Ugu horayn, aynu carrabka ku adkayno inaan weli la baahin heshiiska ay kala saxeexdeen labada dhinac oo aynaan u ogayn si hubaal ah heshiisku wuxuu yahay. War-murtiyeedku (communiqué) waa hadal laga soo saaro shir oo loogu talo galay warbaahinta. Maaha nuqul kii waxa lagu heshiiyay. Waxa intaas dheer in war-murtiyeedka hada la shaaciyay aanu ahayn mid Somaliland iyo Somalia ay soo wada saareen.

Dawladda Somaliland way taageertay war-murtiyeedka oo ay ku baahisay barta Aqalka Madaxtooyadu ku leeyahay Facebook ga.

Sidii caadada ahayd labada dhinac way ka durkeen inay isku aqoonsadaan waxa midka kale isku yaqaan. Somaliland looguma yeedhin Jamhuuriyadda Somaliland halka Somalia aan loogu yeedhin Dawladda Federaalka ah ee Somalia. Waa tanaasul maangal ah.

Arimaha qaarkood ee war-murtiyeedku sheegay in dhinacyadu ku heshiiiyeen waa kuwo dhinacyadu mar walba ku heshiyaan. Waxa ka mid ah in laga fogaado wixii ficil ah ee waxyeelo u keeni kara wada hadalka, in kalsooni dhisku muhiim yahay iyo inaan la siyaasadayn deeqaha. Qoraalku wuxuu tilmaamay in MABADA’ ahaan lagu heshiyeeyay inaan la siyaasadayn deeqaha. Taas macnheheedu waa inaan weli qodobkaas wax wayn la iskaga af-garan oo dhinac ugu yaraan ka cago jiiidayo.

Arimaha cusubi waa laba:

  1. In la wada maamulo hawada Somaliland: Sida qoraalka ku xusan hawada la wada maamulayaa waa ta Somaliland. Macnuhu waa in Somalia gaar u maamulanayso hawada inteeda aan la isku haysan, inta Somaliland na ay la maamulayso (co-management). Hawadau waxa ay ka mid tahay soohdimaha uu dalku ka kooban yahay oo ah “berriga, jasiiradaha, biyaha gobolleed, dhulka iyo badaha hoostooda, HAWADA SARE iyo xeebleyda,” sida dastuurka ku qoran. War-murtiyeedku wuxuu leeyahay HAWADA SARE ee Somaliland ayay wada maamulayaan Somaliland iyo Somalia. Ogow oo, Dastuurka Somaliland iyo xeerarka caalamiga ah ba HAWADA SARE waxa ay la mid tahay dhulka caadiga ah ee dalka (berriga).
  2. Inaan wax caqabad ah la hor dhigin is-dhex qaadka aan siyaasiga ahayn sida waxbarashada, dhaqanka, ciyaaraha iyo ganacsiga. Qodobkani wuxuu gaar u yahay oo ka faa’iidaysa Somalia. Cidda doonaysa in la is-dhexgalo oo u aragta inay dan u tahay waa Somalia. Somaliland weligeed way ka soo horjeeday. Mana cadda waxa ay dhaafsatay qodobkan oo aan shaki ku jirin inuu saamayn wayn yeelan doono.

Dabaal deggu ha inoo socdo.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.