Dawladda Shiinaha oo u Diiday Muslimiinta Dalkeeda Inay Gutaan Soonka Ilaahay ku Waajibiyey

0

Tacadiyo fool xun oo lagu hayo muslimiinta dalka Shiinaha + waddamada ay u qaxaan oo xoog ku soo celiya iyo cambaaraynta culimada dalka Malaysiya

Beijing (Sayruuq)- Dawladda Shuuciga ah ee dalka Shiinaha, ayaa xad-gudub dhinaca shareecada islaamka ah kula kacday qoomiyaha muslimiinta ah eek u nool dalweynaha shiinaha, gaar ahaan qoomiyada la yidhaah Uyghur oo ku nool Gobolka Xinjiang, kadib markii laga horjoogsaday inay gutaan waajibka soonka ah ee Ilaahay (SWT) ku Faral yeelay.

China iyo Ramadaan

Qoomiyadda muslimka ah ee la yidhaah Uyghur oo tiradooda lagu qiyaaso ilaa 8.68 milyan oo qof, kuna nool gobol ku yaal xadka dalka Shiinuhu la leeyahy dalalka badhtahama Qaaradda Aasia, Afghanistan, Pakistan iyo Hindiya, waa gobolka ay ku nool yihiin muslimiinta ugu tiradan badan dalka Shiinaha oo guud ahaan lagu qiyaaso ilaa 12 milyan oo qof.

Sida lagu baahiyey wakaaladaha caalamiga ah ee wararka oo WargeyskaJamhuuriya soo xigtay, amar ka soo baxay dawladda Shiinaha, ayaa lagu sheegay in aan laga soomi karin degaanka muslimiintu ku nool yihiin, iyadoo lagu amray ardayda, shaqaalaha dawladda iyo macalimiinta aanay cuntada ka soomi karin, waxaana hudheelada ku yaal degaanka la faray inay shaqeeyaan, cuntooyinka kala duwana sameeyaan, isla markaana cid sooman aan laga arki karin, waxaanna la amray in xoog cuntada lagu siiyo qof kasta oo la arko inuu sooman yahay.

“Goobaha cuntada lagu kariyo si caadi ah ayey u shaqayn karaan saacadaha maalintii xilliyada lagu jiro bisha ramadaan, cid soomana lama arki karo.” Sidaa waxa lagu yidho ogaysiis ka soo baxay Komishanka maamulka cuntooyinka iyo dawooyinka ee Gobolka Xinjiang ee dalka Shiinaha ah oo ah degaanka muslimiinta ugu badan ku nool yihiin.

Waxa kaloo qoomiyaha muslimiinta lagu amray in aan laga dareemi karin wax muujinaya astaamo diineed, sida xijaabka lagu faral yeelay dumarka, gadhka raggu la baxo iyo afcaasha kale ee la xidhiidha cibaaddada Ilaahay loo sameeyo, iyadoo dadka muslimiinta ah ee Shiinuhu dhibaato ku qabaan sidii ay si xor ah ugu gudan lahaayeen cibaadada Ilaahay oo soonku ka mid yahay.

Dad badan oo muslimiin ah ayaa ka baxay dalka Shiinaha si ay si xor ah ugu cibaadaystaan Ilaahay, halka sidoo kale ay jirto jabhad hubaysan oo dagaal ugu jirta sidii ay gobolka muslimiintu ku nool yihiin uga madaxbannaanayn lahaayeen dalka Shiinaha.

muslimiinta China

“Ujeedada ugu weyn ee Shiinuhu ka leeyahay inuu joojiyo soonku waa inay qoomiyaha musliminta ah ee dalkiisa ka fogeeyaan dhaqanka iyo cibaadada wanaagsan ee bisha Ramadaan, laakiin siyaasadaha guracan ee noocaas ah waxa qudha oo ay sii xoojin karaan khilaafka iyo dhiig badan ku daato Shiinaha.” Sidaa waxa yidhi Afhayeen u hadlay Golaha Qoomiyada Uyghur oo ay ku midaysan yihiin aqoonyahan mustaafuris kaga maqan dalka Shiinaha.

Dhinaca kale, Golaha culimada dalka Malaysiya ayaa si kulul u cambaareeyey tallaabada soonta loogu diiday dadka muslimiinta ah ee ku dhaqan dalka Shiinaha, gaar ahaan qoomiyada Uyghur, kuwaasoo dawladda Malaysiya ugu baaqay inay qaado tallaabooyin la xidhiidha tacadiyada Shiinuhu ku hayo muslimiinta dalkiisa.

Geesta kale, dawladda Shiinaha, ayaa cadaadis xooggan saartay dalalka adduunka ee magangelyada siiyaha qaxootiga muslimiinta ah ee ka tirsan qoomiyada Uyghur, kana carara tacadiyada lagu hayo, iyadoo xukuumadda ka talisa dalka Aghanistan ay qabqabatay, si khasab ahna ugu celisay Shiinaha muslimiin lafahooda la soo cararay, arrintaasoo Hay’adaha Xuquuqal-insaanku si kulul u cambaareeyeen.

Sarkaal ka tirsan Hay’adda Xuquuqal-insaanka ee la yidhaah Amnesty International, ayaa sheegay in dawladda Shiinuhu caddaadis diblomaasiyadeed saartay dalalka Thailand (Tayland), Turkiga iyo dalal kale oo dib si khasab ah ugu celiyey dadka ka tirsan qoomiyaha muslimiinta ah ee lagu dhibo gudaha Shiinaha, iyadoo masuuliyiinta Shiinuhu ku cambaareeyeen dalka Turkiga oo magangelyo siiyey 200 qof oo ka tirsan qoomiyaha muslimka ah ee loo diiday inay bisha ramadaanta soomaan.

Dawladda Shiinaha, ayaa sidoo kale heshiis ganacsi oo lacagta ku baxaysaa tahay $ 1 bilyan oo dollar la saxeexatay dalka Cambodia (Kamboodiya) oo ku yaal Koonfur-bari qaaradda Aasiya sannadkii 2009, laba maalmood kadib markii waddankaasi u gacangeliyey Shiinaha 20 qof oo ka soo jeeda qoomiyadda muslimiinta ah ee Uyghur.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.