Dawladda Kenya oo weli la daalaa-dhacayso weerarrada Al-Shabaab ka fuliso gudaha dalkeeda iyo dhacdooyinkii u dambeeyey.

0

Hargeysa(Sayruuq) – Muwaadin Cumar Caduur Ileeye ayaa Miyir la’aan loo dhigay Cusbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa, kadib markii sida la sheegay jugo ka soo gaadhay gaadhi Xawaare ku socday oo Ciidanka boolisku leeyihiin dhawaan uu ka dhacay.

Muwaadinkan oo wakhtigaas laga soo qaaday Dooxa Udaan ee Degmada Arabsiya, isla markaana isaga oo jugihii qaba lagu xidhay Saldhiga Magaalada Hargeysa tan iyo markii laga soo bilaabo 15-kii bishii hore.

Cumar Ileeye waxa uu ka mid yahay 18 qof oo sifo sharci-darro ah ugu xidhan Saldhigyada bileyska ee Magaalada Hargeys, iyada oo aan Maxkamad la horgeynin si loogu caddeeyo danbiga loo heysto.

Wararka ay helayso Shabakada Wararka ee Hayaannews ayaa sheegayaa inay odayaashan xidhxidhan ay qaarkood ku xanuunsayaan saldhigyada booliska Somaliland, Sidaa daradeed waxa loo baahan yahay in lagu caddeeyo danbiga loo haysto haddii kale waa in sida ugu dhakhsaha badddan xooriyadoodii loogu soo celiyaa.

Liiska Dadka Xidhidhan waxay kala yihiin sidan:

. Suldaan Ismaaciil Aadan

Cq. Maxamed X. Cabdi Nuur
Cq. Axmad Cusmaan Faarax
C/Salaan Maxamad Faarax
Muuse Muxumad Ismaaciil
Cusmaan Balool Faarax
Cumar Cadduur Ileeye
Muuse Waaberi Cadduur
Kayd X. smaaciil
Muuse Ciise Caalin
Axmad Cali Qaalib
Cabdi Faarax X. Jaamac
Bulaale Axmad Daqarre
Cabdi Mataan
Faisal Adam Cabdi Buux
Sayid Sh. Daahir
Maxamad Cumar Cawaale
L/xiddigle Istiqlaal Axmad Colhaye.

Muwaadiniintan ayaa waxa loo soo xidhxidhay laba Askari oo ka tirsan Ciidanka Booliska Somaliland oo dhowaan lagu dilay shaqaaqo dhexmartay laba reer oo dhul isku haysta.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.