Dawladda Kenya Oo Danaynaysa Somaliland

0
Dawladda Kenya Oo Danaynaysa Somaliland

Dawladda Kenya Oo Danaynaysa Somaliland

Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya ayaa ogolaatay in dawlad goboleedka Meru ee hodanka ku ah qaadka Miiroogu wada hadal la galaan Somaliland si ay qaadkooda ugu iib keenaan. Sii hayaha guddoomiyaha ururka ganacsatada qaadka ee Nyambene Mr Kimathi Munjuri waxa uu bishii hore warqad u qoray hoggaamiyaha gobolka Meru Kiraitu Murungi waxaanu waydiistay in hannaan dawladeed lagu soo celiyo wada hadallo 2016 u furmay Somaliland iyo Kenya oo ku saabsan ganacsiga qaadkan.

Warqadda oo uu arkay wargeyska The Nation ee dalka Kenya ka soo baxa waxa lagu sheegay in wasaaradda arrimaha dibaddu soo dhawaysay rabitaanka ganacsatada qaadka, islamarkaana ay u aragto kor u qaadis xidhiidh ganacsi oo dhex mara Somaliland iyo Kenya.

Warqadda ganacsatada ayaa lagu sheegay in ay raacaan wefti dawladda ka socda oo meel mariya wixii siyaasad ah ee Somaliland iyo Kenya u dhexeeya “Waxaanu qorshaynay in wefti dawladda ka socda nagu weheliyo bookhashada si ay wixii arrimo siyaasadeed ah ee tixgelin u baahan u qaadan,” Sidaas ayaa lagu sheegay qoraalka.

Cashuurta qaaliga ah

Ganacsiga qaadka Meru ee dalka Kenya waxa Somaliland ka hor taaggan cashuurta oo lagu qaaliyeeyay kaas oo cashuurtiisu saddex laab ka badan tahay inta lagu cashuuro kan Itoobiya. Waxa ay ganacsatadu doonaysa in ay Somaliland heshiis ganacsiga ku saabsan la gasho dawladda Kenya kaas oo cashuurta iyo arrimaha kale ee loo baahan yahay aasaas u noqda kana dhigo mid dhinac walba aqbali karo.

Guddoomiyaha ganacsatada qaadka Kenya waxa uu sheegay in ay fursad u heleen gelista suuqa Somaliland xilli qaadka Itoobiya ay hakiyeen mudaharaaddo “Waxaanu u dhoofin jirnay Hargeysa 4 tan oo qaad ah maalin kasta, Laascaanoodna in laba ka badan laakiin, qaadka Kenya ayaa lagu soo rogay cashuur saddex laab ka badan kan Itoobiya soo saarto, marka way adkaatay in aanu suuqa sii joogno,” Sidaas ayuu yidhi Mr Munjuri waxaanu intaasi raaciyay in ay bishii January suuqa Somaliland ka baxeen markii cashuurta qaaliga ah la saaray.

Ganacsatada ayaa u halgamaya in ay qaybtooda qaatan suuqa qaadka oo Somaliland looga arko mid xaammi ah maaddaama si weyn qaadka loogu cuno hase ahaatee 2016 oo guddoomiyihii hore ee gobolka Meru Mr Peter Munya wada hadal la galay Somaliland, islamarkaana doonayay in dawladda Kenya kor u qaadis diblamaasiyadeed ama citiraaf ugu bedesho Somaliland suuqa qaadka waxa qalalaase kala dhex galay Somalia iyo Kenya oo ku sigtay in ay xidhiidhka isu jaraan kadib markii Somalia ku andacootay in ay qarannimadooda wax yeelayso.

Dawladda Kenya oo markale ogolaatay soo celinta wada hadalkan lama oga in ay sida Imaaraadka iyo Itoobiya ula macaamili doonto Somaliland iyo in ay eexaysan doonto xidhiidhka ay leeyihiin Soomaaliya oo ciidamo ka joogaan, islamarkaana xuduud leeyihiin.

Source: The Nation

  Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.