Dawladda Jabuuti Oo Samaysay Qiimo Dhimis Caqabad Ku Noqon Karta Dekedda Berbera

0

Hargeysa(Sayruuq) Dekedda casriga ah ee Dooraale ee Djibouti oo sannadkan xadhiga laga jaray, ayaa ku dhawaaqday inay qiime dhimis dhan 45% u samaysay shixnadaha laga leeyahay Itoobiya ee ka dhoofaya ama ka degaya dekeda Dooraale.

Dawladda Djibouti oo u muuqata inay soo jiidanayso shixnadaha Itoobiya islamarkaana doonaysa inay sii haysato ganacsatada Itoobiya, ayaa go’aankan ku dhawaaqday toddobaadkan, ka dib markii ay dekedda Dooraale shaqaynaysay lix bilood.

“Dawladda Jabbuuti waxa ay go’aansatay in Itoobiya ay ka yarayso lacagta rarka iyo dejinta. waa qiimo dhimis aad u ballaadhan oo loo samaynayo shixnadaha guud, gaadiidka iyo gaadiidka daabulka, waxa uu u dhexeeyaa 20 illaa 45 boqolkiiba.” sidaas waxa yidhi Wahiib Daahir Aadan oo ah agaasimaha fulinta ee dekedda adeegyada kala duwan ee Dooraale ee dalka Jabbuuti.

Djibouti, waxay sheegtay in go’aankan ay qiime dhimista ku samaysay adeegyada dekedda Dooraale u qabato Itoobiya dhawaan la hirgelin doono, waxaanay Djibouti doonaysaa inay sii haysato isticmaalka Itoobiya ee dekedaheeda, maadaama oo ay Itoobiya tahay dal bilaa deked ah.

Arrintan oo warbaahinta Itoobiya si weyn u faafisay ayaa u muuqata mid laga soo dhaweeyay dalka bilaa badda ah ee Itoobiya. Dekedda Berbera oo la filayo in shirkadda DP World ka dhigto mid casri ah ayaa loolan galinaysay dekedaha Jabuuti oo haystay suuqa dalka dadka badan ee Itoobiya. Suuqa ugu weyn ee loo rajaynayo dekedda Berbera ayaa ah Itoobiya oo la siiyay Saami dhan 19% in ay ku lahaato maamulka dekedda Berbera si suuqa Itoobiya ay u hesho oo Itoobiya u isticmaasho dekedda Berbera. Itoobiya ayaa xilligan si buuxda ugu tiirsan dekeddaha casriga ah ee Jabuuti oo loo dhisay jid tareen oo casri ah oo labada dal isku xidha.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.