Dawlada Jabuuti Oo Indhaha Ku Haysa Dekedda Berbera

0
Dawlada Jabuuti Oo Indhaha Ku Haysa Dekedda Berbera

Dawlada Jabuuti Oo Indhaha Ku Haysa Dekedda Berbera

Todobaadkii u dambeeyay waxa Somaliland iyo Jabuuti u dhexeeyay xiisad diblamaasiyadeed kadib markii weedho kulul warbaahinta ay isku waydaarsadeen siyaasiyiin Somaliland ah iyo madax ka tirsan dawladda Jabuuti. Arrinta xiisadda abuurtay ayaa ahayd hadal loo fasirtay in Jabuuti ka xun tahay horumarinta DP World ku samaynayso dekedda Berbera oo ay tartan galinayso Jabuuti.

Dawladda Somalia ayaa galinkii hore ee Jimcaha soo saartay qoraal ku saabsan in ay ka soo horjeedo heshiiska saami qaybsi ee dhexmaray Somaliland, Imaaraadka iyo Itoobiya oo leh saamiga maamulka Berbera 30%, 51% iyo 19% sida ay isugu xigaan waxaana intaasi sii raacay ra’isal wasaaraha Somalia oo Muqdisho shir jaraa’id ku qabtay isaga oo ka yimid imaaraadka islamarkaana sheegay in uu ka soo horjeedo heshiiskan saddex geesoodka ah.

Wasiirka arrimaha dibadda dawladda Jabuuti ayaa islamarkii mawqifka Muqdisho soo baxay boggiisa Twiter-ka ku soo qoray arrintan inkasta oo aanu ku darin aragtida dawladda Jabuuti “Dawladda Federalka ah ee Somalia waxay diiday heshiiska is fahan ee ay bahwadaagta ku noqonayaan dekedda Berbera Somaliland, Itoobiya iyo Dp World,” Sidaas ayuu boggiisa Twitterka ku qoray wasiir Maxamuud Cali Yuusuf wakhti yar kadib markii Somalia hadashay.

Dawlada Jabuuti Oo Indhaha Ku Haysa Dekedda Berbera

Bulshada Somaliland ee isticmaasha baraha bulshada ayaa hadalkan kaga dareen celiyay in dawladda Jabuuti ka soo horjeedo maalgalinta dekdda Berbera. Maareeyaha dekedaha Jabuuti ayaa dhawaan mar uu u jawaabay guddoomiyaha xisbiga UCID ee Somaliland Eng Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay in haddii Faysal danta Somaliland uu ka hadlayo ay ahayd in uu ku farxo Dp World oo ay Jabuuti u soo eriday haddii ay Jannadii u haystaan.

Wasiirkii qorshaynta xukumaddii Siilaanyo Maxamed Aadan Qabo ayaa dhawaan sheegay in dawladda Jabuuti mawjado mucaaradad ah ku kicisay heshiiska Imaaraadka iyo Somaliland markii la waday islamarkaana ay hadda soo shaac baxday arrintaasi markii Jabuuti oo DP World eriday sheegtay in ay dalalka dariska ka dhistay dekedo tartan galinaya Jabuuti taasina qarannimada Jabuuti taabanayso.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.