Dawladda Jabuuti Oo Dejisay Qorshe Ay Ku Tartsansiinayso Dekedaha Berbera Iyo Boosaaso, Taag Maraakiibta Soo Jiidana Ugu Deeqday Maamul Goboleedka Puntland

0

Maalgalinta Dekedda Berbera Oo Sabab U Noqotay Inay Xafiiltamaan Dekedaha Jabuuti Iyo Berbera

Boosaaso (Sayruuq)- Dawladda Jabuuti ayaa taag nooca maraakiibta soo jiida ah ku caawisay maamul goboleedka Puntland ee dalka Somalia, taagan oo loogu talo galay inuu soo jiido maraakiibta ku soo xidhanaysa dekedda Boosaaso oo xarun ganacsi u ah maamulka Puntland.

4286c18a-e15d-499f-8476-fca589e41a0f

Wasiirka Dekedaha ee Puntland Cabdillaahi Jaamac Saalax oo markabkaasi gudoomay ayaa uga mahadnaqay dawladda Jabuuti caawimadan ay ugu deeqday, waxaana uu sheegay inuu xidhiidhka maamulkan iyo dawladda Jabuuti uu labadii sano ee u dambeeyey aad u wanaagsanaa, isagoo arrinkaas ka hadlayana waxa uu yidhi ” Xidhiidhka Puntland iyo Jabuuti waa mid soo jireen ah dad walaalo ah ayaanu nahay aadbayna noogu dedaaleen inay noo keenaan taagan, xidhiidhka ganacsiguna wuu bilaabmay oo wuu socdaa oo laba sano ka hor xidhiidh ma jirin hadda se aad iyo aad ayuu u socdaa xawlibuuna ku socdaa”

Deeqdan ay Jabuuti siisay maamul goboleedka Puntland ayaa ku soo aadaysa wakhti uu tartan cusub oo dhinaca dekedda ahi u bilaabmay dekedaha Berbera iyo Jabuuti, kadib markii sherkadda DP World ay heshiis balaadhin iyo casriyeyn ah la gashay dawladda Somaliland, heshiiskaas oo cabsi dhinaca ganacsiga ah galiyey dawladda Jabuuti oo ay sherkadda DP World hore uga hawlgali jirtay balse sida la sheegay ay joojin doonto maalgalintii ay ku bixin jirtay.

Waxaana ay arrintani u muuqataa mid ay dawladda Jabuuti uga faa’iidaysanayso tartankaas iyadoo dhankeeda doonaysa inay tartan dhinaca badeecadaha ay dekedda Boosaaso la gashay dhigeeda Berbera.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.