Dawladda Itoobiya Oo Soomaali Iyo Oromo U Xidhxidhay Khilaafka Xuduudda

0

Addis Ababa(Sayruuq) Dawladda Itoobiya ayaa xidhay 103 qof oo ka kala tirsan qoomiyadaha Oromada iyo Soomaalida. Dadkan ayaa loo haysta in ay ku lug leeyihiin dagaallo labada maamul ku dhex maray degaannada xuduudda ee lagu muransan yahay.

“98 Qof oo laga shakisan yahay oo ka mid ah ismaamulka Oromada iyo 5 ka mid ah ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa hadda la haya,” Sidaas ayuu yidhi wasiirka warfaafinta Itoobiya Negeri Lencho oo Sabtidii saxaafadda la hadlay.

Waxa uu intaasi raaciyay in xaaladda ammaan ee xuduudka ay wadaagan Gobolka Oromada iyo Gobolka Soomaalida oo dhan 1,500Km hadda yahay mid degan marka laga reebo isku dhacyo meelo fogfog ka dhaca.

Isku dhacyo laxaad leh oo labada dawlad gobolleed dhexmaray bishii September ayaa sababay dhimasho badan iyo barakac tobanaan kun oo qof ah. Labada qoomiyadood ayaa ku kala fogaaday arrintan waxaana xidhmay xadka u dhexeeya.

Wakaaladda wararka Shiinaha ee Xinhua oo isku dhacan warbixin ka qortay ayaa sheegtay in dawladda Itoobiya aamminsan tahay in khilaafka uu qayb ka yahay Qaadka oo ka soo baxa gobolka Oromada siina dhexmara Soomaalida marka uu ku sii jeedo Jabuuti,Somaliland ilaa Soomaaliya. Ismaamulka Soomaalida ayaa u muuqda mid cashuur ama in dhaqaale ka soo galo doonaya qaadka.

Sayruuqnews

Contact@sayruuq.com 

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.