Dawladda Itoobiya Oo Si Meeqaam Hoose Ah Uga Qayb Galaysa Caleemo Saarka Madaxweynaha Somaliland

0

Hargeysa(Sayruuq) Danjiraha Somaliland u jooga dalka Itoobiya ayaa soo gaadhay magaalada Hargeysa isaga oo hoggaaminaya wefti ka socda Itoobiya oo ka qayb galaya caleemo saarka barri ee madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Weftigan ayaa ah siyaasiyiin hore xilal uga soo qabtay Itoobiya waxaanay u muuqata in meeqaamka Itoobiya ee ka qayb galka caleemo saarku yahay mid hooseeya.

 

Geesta Kale Dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa soo diray wefti uu hoggaaminayo Madaxweyne xigeenka DDSI iyo xubno dhawr ah oo ka tirsan golaha wasiirrada. Somaliland iyo dawlad degaanka ayaa muddooyinkii u dambeeyay laha xidhiidh togan.

 

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.