Dawladda Itoobiya Oo Ka Hadashay Waxyaabaha Ay Ka Filayaan Madaxweyne Muuse Biixi

0

Hargeysa(Sayruuq) Maalmihii la soo dhaafay Somaliland waxa socdaal ku joogay wafdi sare oo ka socda dawladda federaalka ee Ethiopia oo uu hogaaminayo Wasiirka wasaaradda gaadiidka Axmed Shide .Wafiga Ethiopia waxay wada hadallo kula yeesheen magaalada Hargeysa madax sare oo uu ka mid yahay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wasiirka wasaaradda arimaha dibedda Dr; Sacad Cali Shire .

Waxay labada dhinac ka wada hadleen iskaashiga dhinaca dhaqaalaha gaar ahaan dhismaha wadada Berbera ila Wajaale oo isticmaalka Ethiopia ee dekedda berbera muhiim u ah .

“Waxaanu doonayna in aanu iskaashiga dhaqaalaha sii xoojino oo Coridor-ka Berbera(Jidka Berbera Ilaa Wajaale) si buuxda loo horumariyo waddooyinka iyo maalgalinta Dekeddaba iyo dejinta nidaamka ganacsiga iyo isu socodka, marka waxaanu rajaynayna in Coridorka Berbera noqdo kan ugu muhiimsan ee waxyaabaha dhaqaalaha Itoobiya mustaqbalka aad u sii kordhiya noqdo. Marka waxaanu u baahan nahay in aanu awood dheeraad ah gobolka ku abuurno oo xagga adeegga dekedda ah,” sidaas ayuu yidhi   Axmed Shide wasiirka wasaaradda gaadiidka ee dawladda federaalka Ethiopia oo BBC-da u warramay.

Wasiir Axmed Shide ayaa sheegay in jidka Berbera Wajaale noqonayo jid balaadhan oo tayo leh kaas oo ku kacaya maaliyad badan, islamarkaana sababaha uu u dhismi waayay ay ka mid tahay lacagta uu ku kacayo oo aan la hayn. Waxa uu sheegay in hadda rajo badan laga qabo Midawga Yurub iyo Imaaraadku in ay bixiyaan dhaqaalaha jidkaasi ku kacayo.

Waxa uu sheegay in ay xidhiidh fiican la leeyihiin madaxweynaha cusub ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi “Madaxweyne Muuse Biixi waa hoggaamiye adag, aragti dheer leh oo khibrad balaadhana leh. Wada hadallana way na dhexmareen heer Federaal ah oo ay ra’isal wasaaraha dhawr jeer Kulmeen,” Sidaas ayuu yidhi wasiir Axmed Shide oo intaas raaciyay in ay filayaan in wakhtigiisa ay ku dhammaystirmaan mashaariic ay ka mid yihiin khad dhinaca korontada ah oo ka yimaadda Itoobiya lana keeno Somaliland oo daraasaddiisu dhammaystiran tahay. Sidoo kalena hawshooda la bilaabo dhismaha jidka Berbera Wajaale iyo horumarinta dekedda Berbera.

Waxa uu sheegay in ay dib u eegayaan cabashada bulshada reer Somaliland ee ku saabsan in ay dhib kala kulmaan xuduudka xilliyada ay Itoobiya u socdaan

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.