Jamaal Cali Xuseen Oo Ka Hadlay Ka Maqnaanshihiisa Golihiisa Wasiirrada

0

Hargeysa(Sayruuq) Tan iyo markii madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ku dhawaaqay golihiisa wasiirrada waxay bulshada Somaliland si weyn isu waydiinaysay sababta Jamaal Cali Xuseen uga mid noqon waayay liiska golaha. Dad badan ayaa is waydiinayay in uu mucaarad ku noqon doono dawladda Muuse maaddaama uu kaalin wayn ka soo qaatay guusha Kulmiye.

Qoraal uu soo saaray Jamaal ayuu ku sheegay in aanu xil wasiirnimo u baahnayn islamarkaana hankiisu ka sarreeyo. Qoraalkan uu ku faafiyay boggiisa ayaa u dhigna sidan:-

“Waar bal imtixaankan eegga, waar anigu dalka umaan iman inaan wasiir ka noqdo, manaan doonan xil, kii aan doontay iyo murashaxnimadiina wixii ka dhacay waad wada ogsoon tihiin. Horta taariikhda dadka badankoodu Ma ogee in 2010 kii markii Madaxweyne Axmed Siilaanyo la doortay uu igala soo xidhiidhay dalka Tanzania igana codsaday inaan wasiirka Maaliyadda u noqdo, laakiin aan anigu ka cudur daartay, runtiina aad iyo aad uga mahadnaqay Madaxweyne Siilaanyo. Markaasi marnaba taladda iigumay jirin inaan Taageerada aan Muuse u jeediyey aan Wasiir ku doonto. Waxaanan ku faraxsanahay in aniga iyo taageerayaashaydii aanu door weyn ka ciyaarnay guusha Madaxweynaha la doortay. Ilaahay baa marwalba ii suurtogeliya in aan dhinaca guusha la socdo, hadday tahay inay UCID xisbi u soo baxdo iyo in Kulmiye madaxweynaha ku guuleysto. Siyaasadda waan u da’ yarahay Mustaqbalka inshallah, imikana waaya aragnimo weyn Oo aan caalamka ka soo helay intii aan xoogayga ku shaqaysanaayey waxay ii saamaxday inaan ku darsado waaya aragnimo dalka gudahiisa ah. Waxaan hanbalyeeynayaa golaha wasiiradda cusub, Ilaahayna hawsha haw fududeeyo, madaxweynaha cusub aynu taageerno. Dadka waaweyna wakhtigooda ha ka fasiidaystaan oo yaan lagu mashquulin Hebel Wasiir Ma noqon iyo wuu noqday, dadka qaar Waxay rabaan inay dalka si kale wax Ugu taraan. Guul iyo gobanimo,” Jamaal Cali Xuseen

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.