Dawladda Itoobiya Oo Ka Hadashay Mawqifkeeda In Qudus Noqoto Xarunta Yuhuudda

0

Hargeysa(Sayruuq) Dawladda Itoobiya ayaa sheegtay in aanay qabin dareen ku saabsan in ay safaaraddooda caasimada Yuhuudda ee Telabiib u raraan magaalada Qudus. Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibada ayaa sheegay in ay qayb ka yihiin midawga Afrika, islamarkaana go’aanka  Trump khuseeyo kaliya Maraykanka

Afhayeenka ayaa sheegay in Itoobiya oo qayb ka ah Midawga Afrika ogoshahay qorshaha dunidu taageerayso ee laba dal lagaga dhigayo Falastiin iyo Isra’il “Ma jiro dareen ama qorshe aanu safaaradayada Telabiib ugu wareejinayno Qudus. Anaga oo qayb ka ah Midawga Afrika waxaanu ayidsanahay qorshaha xalka lagu raadinayo ee ah Laba dal,” Sidaas ayuu yidhi Afhayeen Meles Alem.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Arbacadii ku dhawaaqay in uu caasimadda Yuhuudda u aqoonsaday magaalada Barakaysan ee Qudus. Go’aankan waxa dhirbaaxo kulul ku dhuftay hoggaamiyeyaasha dunida. Waddamada ugu waaweyn Yurub sida Faransiiska, Jarmalka iyo Ingiriiska ayaa sheegay in aanu khusayn go’aanka Trump islamarkaana ay taageersan yihiin wada xaajoodka xal laba dal lagu raadinayo ee dunidu wadday,

Xigasho: Middle East Monitor/ Ezega.com

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.