Dawladda Itoobiya Oo Ka Hadashay Heshiiska Berbera

0
Dawladda Itoobiya Oo Ka Hadashay Heshiiska Berbera

Dawladda Itoobiya Oo Ka Hadashay Heshiiska Berbera

Wargeyska The Addis Fortune ee ka soo baxa dalka Itoobiya ayaa ku warramaya in dawladda Itoobiya muujisay isu dheelitirka danaheeda gobollka kadib markii heshiiska dekedda Berbera ladh ku kiciyay dariskeeda Jabuuti iyo Somalia. Wefti sare oo wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya hoggaaminayo ayaa todobaadkan ku tagay Jabuuti socdaal kadib markii la ogaaday in dawladda Jabuuti qarracantay iyada oo ka cadhaysan heshiiska Somaliland iyo Itoobiya ee horumarinta dekedda Berbera.

Dawladda Itoobiya ayaa ahmiyad weyn siinaysa in ay galangal u yeelato badda maaddaama ay hadda si buuxda ugu tiirsan tahay dekedda Jabuuti. In ay qayb ka noqoto horumarinta dekedda Berbera waa mid ugu fadhida qiimo istaraatijiyadeed sida uu wargeyska Fortune ka soo xigtay sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya.

Wargeyska Forjune waxa uu sheegay in qof xogogaal u ah xidhiidhka Itoobiya iyo Jabuuti oo 20 sanno ku soo dhex jiray u sheegay in dawladda Jabuuti liqi kari wayday tallaabada Itoobiya Saamiga ugu yeelatay dekedda Berbera “Waxay nagu yidhaahdeen dhabarka ayaad naga qaniinteen,” sidaas ayuu yidhi qofka aan magaciisa la xusin ee wargeysku soo xigtay.

Wargeysku waxa uu sheegay in farriinta uu wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Worqneh Gabeyehu gaadhsiinayo Itoobiya ay tahay in dekeddaha Jabuuti ahaan doonan xarunta isticmaalka ee Itoobiya, islamarkaana ay si weyn u maalgashadeen kaabayaasha isu socodka.

Diplamaasi sare oo Itoobiyan ah ayaa wargeyska u sheegay in saamiga Itoobiya ee dekedda Berbera ahaa dalab ka yimid dhanka Somaliland, islamarkaana muddo sanad ah la lafagurayay. Waxaanu warku intaasi ku daraya in aanay Itoobiya qorshayn in ay wax badan ku kordhiso citiraafka Somaliland laakiin, ay dhanka danaha dhaqaale xoojiyaan.

Dawladda Jabuuti ayaa si weyn ugu tiirsan dawladda Itoobiya. Boqolka milyan ee reer Itoobiya ayaa wax kala soo dega kana dhoofiya dekeddaasi oo kaliya waxaanay u noqotay il dhaqaale oo xaami ah waxaanay Jabuuti ka soo horjeeda in lala qaybsado suuqaasi qiimaha badan ugu fadhiya waxaanay isku dhaceen DP World oo ay ku dhalliileen maalgalinta dekedda Berbera.

Wargeyska ayaa sheegaya in Jabuuti ugu manno sheeganayso Itoobiya in ay wakhtiyo adag kala soo kifaaxday, islamarkaana markii Eriteriya dekedaheeda ka mamnuucday Itoobiya ay ku baxsadeen dekedda Jabuuti oo ay kala soo dagayeen wixii ay u baahdaan.

 

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.