Dawladda Ingiriiska oo Digniin Culus u Dirtay Muwaaddiniinteeda Dalxisayaasha ah

0

Liiska dalal Somaliland ku jirto oo looga digay in muwaaddiniinta Ingiriisku u safraan

London (Sayruuq)- Dawladda Ingiriiska, ayaa muwaaddiniinteeda dalxiisayaasha ah u dirtay digniin culus oo la xidhiidha inay waajihi karaan falal argagixiso, iyadoo ugu baaqday dadkeeda inay si degdeg ah uga baxaan waddanka Tuuniisiya.

dalxiisayaasha ingiriiska

Warbixin ka soo baxday xafiiska Arrimaha Dibadda iyo Barwaaqo-sooranka ee Ingiriiska (FCO) shalay oo Jamhuuriyasoo xigtay, ayaa lagu sheegay in muwaaddiniinta dalxiisayaasha Biritish-ka ah khataro ku waajihi karaan dalalka woqooyiga Afrika, gaar ahaan Tuunisiya, Afghanistan, Liibiya iyo waddamo kale oo adduunka, waxana dadka Ingiriiska loogu baaqay inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah, kadib markii dalxiisayaal badan oo dalkaas u dhashay lagu dilay waddanka Tuunisiya dabayaaqadii bishii June ee la soo dhaafay.

“Kadib weerarkii ka dhacay magaalada loo dalxiis tago ee Sousse oo ka mid ah waddanka Tuunisiya, xogaha sirdoonka iyo sawirka khatarta ah ee noo muuqdaa sare ayuu u sii kacayaa, iyadoo aannu si dhaw ula soconno khataraha argagixiso ee jira oo xilli kasta dhici kara, sidaas darteed waxa aannu muwaaddiniintayada ugu baaqaynaa inay si degdeg ah uga baxaan gudaha dalka Tuuniisiya, cidda kale ee u safraysaana aad uga fikiraan haddii aanay hawlo muhiim ah u socon.” Sidaa waxa yidhi Xoghayaha Arrimaha Dibadda Ingiriiska Mr. Philip Hammond.

Sidoo kale, waxa uu sheegay inay dawladda Tuunisiya kala shaqaynaynaan sidii looga hortagi lahaa khataraha argagixiso ee muuqda, isla markaana baadhitaanno xooggan oo dhinaca ammaanka ah loo samayn lahaa, isagoo xusay inay madaxda dalkaas ka go’an tahay sidii ay wax uga qaban lahaayeen dadka falalka xun wada ee dhibaatada ku ah dalxiisayaasha.

muruga dilka

Dawladda Ingiriiska ayaa sidoo kale soo saartay liiska dalal ay sheegeen in dalxiisayaashoodu kala kulmi karaan khataro nabadgelyo-darro, kuwaasoo lagula taliyey muwaaddiniintooda in aanay safar ku tagin, haddii kalena muujiyaan feejignaan dheeraad ah, waxana waddamadaas ka mid ah; Suuriya, Angola, Burundi, Burma, Cambodia, Chad, Cameroon, Colombia, Congo, Sudan, Ivory Coast, Thailand, Djibouti, Eritrea, Ethiopia, Egypt, Georgia, Guinea, Haiti, Mali, Saudi Arabia, Turkey, Bangladesh, Ecuador iyo Burkina Faso.

Dhinaca kale, waxa weli taagan digniin dawladda Ingiriisku hore u soo saartay oo ku saabsan in aanay muwaaddiniintoodu u safrin dalalka Soomaaliya iyo Somaliland, marka laga reebo magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera oo ay xuseen in safarada muhiimka ah oo keliya lagu tegi karo.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.