Dawladda Ingiriiska oo Caddaysay in aan Wax Farogelin ah Lagu Samayn Doonin Doorashooyinka Somaliland

0

Guddoomiyaha UCID oo sheegay in caalamku diyaar u yahay in la taageero waxa Somaliland ku heshiiso + nuxurka kulamo wefti Ingiriis ah la yeesheen xisbiyada iyo Guddoomiyaha Guurtida

Hargeysa (Sayruuq)- Safiirka dalka Ingiriiska u fadhiya magaalada Addis Ababa ee waddanka Itoobiya Ambassador Greg Dorey, ayaa caddeeyey in aanay dawladdiisa iyo beesha caalamku toona diyaar u ahayn wax farogelin ah oo lagu sameeyo arrimaha daakhiliga Somaliland, gaar ahaan doorashooyinka iyo waqtiga ay qabsoomayaan, balse diyaar loo yahay in lagu taageero heshiiska reer Somaliland isla qaataan.

Guurtida iyo safiirka

Safiirka Ingiriiska iyo wefti uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku yimi Hargeysa shalay, ayaa kulamo kala duwan la yeeshay guddoomiyeyaasha xisbiyada iyo Guddoomiyaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, iyadoo aannu safiirku si rasmi ah uga hadal safarkiisa iyo waxyaabaha ay isla qaateen masuuliyiinta uu la kulmay.

Haseyeeshee, Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali-waraabe oo saxaafadda la hadlay markii uu dhammaaday kulanka dhexmaray safiirka Ingiriiska, ayaa shaaciyey inay weftiga isla qaateen in aan wax farogelin ah lagu samayn khilaafka ka dhashay arrimaha doorashooyinka Somaliland, isagoo sidoo kale xusay inay safiirka ku wargeliyeen in dhexdooda heshiis ka gaadhi doonaan khilaafka doorashooyinka iyo muddo-kordhinta, isla markaana loo baahan in beesha caalamku ku taageerto waxa Somaliland ku heshiiso, iyadoo heshiiskaasina soo baxay xalay.

“Waxa aannu u sheegnay in aannu dhexdayada ku heshiin doonno, wixii aannu ku heshiinana beesha caalamku nagu taageerto, isna arrintaas (safiirku) wuu qaatay, wuxuuna nagu yidhi; ‘annagu waxa aannu jecelnahay in wixiinu ahaado mid aad gudihiinna heshiis kaga gaadhaan (internal solution). In aannu isu soo kiin dabbaalno mooyaane annagu faraha idinla soo geli maynno, wixii aad isku raacdaanna waannu idinkula shaqaynaynaa oo gacan ayaan idinku siinaynaa.’ Markaa waxaannu u sheegnay in aannu heshiis isku raaci doonno sidii caadada noo ahaan jirtay oo annaga oo saddexdayada guddoomiye (guddoomiyeyaasha KULMIYE, WADDANI iyo UCID) oo wada soconna oo gacmaha is haysana ayaannu iman doonnaa Nairobi oo aannu la kulmi doonno beesha caalamka insha Allaah,” ayuu yidhi Eng. Faysal Cali-waraabe.

Isagoo intaas ku daray, “Adduunku waxay ina yidhaahdeen dhammaysta wixiinna (khilaafka doorashooyinka ee laga heshiiyey xalay) idinka ayaan idin sugaynaaye, markaa ninkii u yeedhanayey bulshada caalamkoow ku quuso, arrintu waa gudaheena’e.”

Eng. Faysal

Waxa kaloo Guddoomiyaha UCID ka hadlay sida Somaliland caanka ugu tahay inay dhammaysato wixii khilaaf ah ee dhexdooda ka dhasha, waxaannu yidhi; “Arrimahan oo kale ilaa shan jeer ayey ku soo noqnoqayeen Somaliland oo aan intaba goob-joog u ahaa, shantaas jeer ee khilaafku dhacayna mar qudha (sannadkii 2009) ayaa dibadda la innooga yimi oo cid shisheeya ah ina dhexdhexaadiyey, xilligaas oo ahayd markii aannu ka quusanahay inaannu gudahayaga wax ku dhammaysanno, waxayna arrintaas innagu noqotay bar madaw oo shacbigu aad ayuu uga xanaaqay, waayo waxa dadweynuhu ogyahay inay dalkan ku samaysteen gacmahooda oo Ilaahay la kaashadeen, arrimo badan oo adagna kaga soo gudbeen midnimo iyo isku tanaasul danta qaranka laga horreysiiyo danta shaqsiga ah, taas ayaanan ilaa hadda wadnaa oo waxaannu jecelnahay in waxa aannu qabanno ama ku heshiinno noqdaan wax aannu gacmahayaga ku qabannay oo aanay cid inooga iman dibada,” ayuu yidhi Eng. Faysal.

Waxa kaloo weftiga Ingiriisku kulamo la yeesheen guddoomiyeyaasha Golaha Guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Wakiillada, ahna hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), iyadoo kulamadaasna lagaga wadahadlay arrimaha doorashooyinka.

“Waxa aannu ka wadahadalnay arrimaha dalka ka dhacaya iyo qorsheyaasheenna, doorashooyinkuna waxay u yaallaan Somaliland ee maaha wax iyaga (caalamka) u yaal.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Guurtida oo warbaahinta la hadlay kulankaas kadib.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ka warbixiyey kulan uu la yeeshay safiirka Ingiriiska ee Itoobiya, waxaannu xusay in ujeeddada socdaalkiisu la xidhiidhay arrimaha doorashooyinka Somaliland iyo khilaafka ka dhashay muddo-kordhinta.

“Waxa aannu uga warrannay xaaladda guud ee Somaliland, mowqifka xisbiga WADDANI-na waannu uga warrannay oo ah in doorashadu si nabadgalyo ah waddanka uga qabsoonto. Waxa kaloo aannu u sheegnay in WADDANI diyaar u yahay wixii wadahadal ee qalbi furnaan ah ee doorashadu ku qabsoomayso ee Somaliland ku badbaadayso,” ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.

Ingiriiska ayaa ka mid ah dalalka xidhiidhka dhow la leh Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo sidoo kale safaaradooda Addis Ababa tahay meesha isku xidha Somaliland iyo UK.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.