Dawladda Hoose Oo U Jawaabtay Degmada Axmed-dhagax

0
Dawladda Hoose Oo U Jawaabtay Degmada Axmed-dhagax

Dawladda Hoose Oo U Jawaabtay Degmada Axmed-dhagax
Golaha degaanka Hargeysa ayaa mar kale u jawaabay degmada Axmed Dhagax oo ku dhawaaqday cashuur joojin. Dawladda hoose ee maayar Cabdiraxmaan Soltelco hoggaamiyo oo xilka hayay ilaa 2012 ayaa u muuqday in ay uga marag kacday bulshada Axmed Dhagax saluugooda kadib markii xildhibaan golaha u hadlay ku haftay waxyaabaha ay degmada ka qabteen.

Xildhibaannada laga soo doortay degmooyinka Axmed Dhagax, Maxamed Mooge iyo Maxamuud Haybe ayaa ka muquurtay in ay ka hadlaan xiisadda u dhexeysa bulshooyinka ay metelaan iyo dawladda hoose hase ahaatee xildhibaan Xasan Shahar oo laga soo doorto degmada Koodbuur ayaa u jawaabay bulshada reer Axmed Dhagax.

Waxa uu sheegay in ay dawladda hoose gacan ku lahayd jidka Balligubadle iyo jidka hor mara Adna oo la dhisay maalmihii ololaha doorashadii madaxtooyada. waxaana cashuur joojin ku dhawaaqay degmooyin dhawr ah oo doortay masuuliyiin danta guud uga shaqaysa.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.