Dawladda Hoose Ee Hargeysa Oo Ku Hanjabtay In Ay Shaacin Doonto Magacyada Siyaasiyiin Iyo Ganacsato Caan Ah

0

Hargeysa(Sayruuq) Xogyaha dawladda hoose ee Hargeysa Cali Xasan Cawaale ayaa sheegay in ay bulshada la wadaagi doonan liiska dadka ugu ladan magaalada oo aan bixin cashuuraha ku waajibay. Waxa uu sheegay in ay siyaasiyiinta awoodda leh iyo shirkadduhu yihiin kuwa caadaystay diidmada cashuurta, islamarkaana ay shaqaaluhu dhib kala kulmaan.

Dawladda hoose ee Hargeysa ayaa ololihii doorashada la kulantay eedo badan oo uga yimid mucaaradka kuwaas oo ku salaysan in aan cashuur la bixin maaddaama maayarka caasimadu ololaha Kulmiye ku galay cashuurta bulshada laga qaado. Xilligan ayaa la dareemaya in dhaqaalaha dawladda hoose hoos u dhacay islamarkaana muddooyinkii u dambeeyay ay ku hawlan yihiin cashuur ururin.

 

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.