Dawlada Hoose Ee Hargeysa Oo Daah Furtay Shirkadda Qashinka Tawfiiq.

0

Hargeysa (Sayruuq)-Dawladda Hoose ee Hargeysa ayaa degmooyinka Maxamuud Haybe iyo Maxamed Mooge u samaysay shirkadda qashinka ka ururiso, maadaama oo aanay hore shirkad gaar ahi uga jirin.

Masuuliyiinta sarsare ee dawladda hoose ayaa shirkadii qashin gurista ee labadaasi degmo ku guulasytay ka eegaysay inay awood u leedahay inay qashinka ka qaado labaddaasi degmo, waxaanay xarunta dawladda hoose lagu soo ururiyey qalabkii loogu tallogalay inay shirkadda qashin gurku soo iibsata.

Maareeyaha Shirkadda qashin gurka ee Tawfiiq Cabdikariim Cumar Xaashi ayaa sheegay inay soo dhamaystireen shuruudihii ay dawladda hoose ku xidheen inay qashinka ku qaadaan, waxaanay
maayarka iyo xoghayaha hortooda ku soo bandhigeen gaadiidka qashinka qaado oo ilaa sideed gaadhi ka kooban, waxaanu sheegay inay shirkaddu ka mid noqon doonto shirkadaha qashinka ka guro degmooyinka.

Agaasimaha arrimaha bulshaddai yo bilicda caasimadda Hargeysa Khadar Yuusuf ayaa isna sheegay in degmooyinkaasi u baahnaayeen shirkado qashinka ka qaada, maadaama oo shirkadii hore uga guri jirtay ku adkaatay isla markaana ku balaadhay, maadaama oo shirkad kaliya ka guri jirtay afarta degmo ee koonfurta Hargeysa, Axmed Dhagax, Maxamuud Haybe, Maxamed Mooge iyo 31 May, waxaanu xusay in shirkadani qayb balaadhan ka qaadan doonto bilicda iyo nadaafadda labadda degmo ee Maxamuud Haybe iyo Maxamed Mooge.

“Shirkadan Qashin gurka ee Tawfiiq waxay ka qaybqaadan doonta kor u qaadidda bilicda iyo nadaafadda caasimadda, waxaana ku daba gali doonaa inay degmooyinkaasi loo xilsaaray shaqadeeda ka soo baxdo”ayuu yidhi Agaasimaha bilicda iyo arrimaha bulshada Khadar Yuusuf.

Xoghayaha fulinta ee dawladda hoose ee Hargeysa  Mawliid Kayse Muxumed (Mawliid Qarro) ayaa isna sheegay in degmooyinkaasi markii hore ka shaqayn jirtay hal shirkad, taasina sababtay inay hawshu ku balaadhatay, waxaanay u baahnayd in  shirkad kale lagu soo kordhiyo oo shirkad walba laba degmo ka hawlgasho.

“degmooyinkaasi waxa qaabilsanaa shirkad kaliya, cabashadda dadkuna aad bay noogu soo noqnoqotay, waxaana loo baahday in shirkad kale lagu soo kordhiyo, maadaama oo afartaasi degmo ay markii hore hal shirkad ku qornayd imika waxaa ka hawlgali doona shirkad kale oo laba degmaba shirkad ayaa qaadanaysa, sidaas darteed waa in bilicda iyo nadaafadda degmooyinkaasi kor loo qaado, waxaana agaasimaha bilicda iyo arrimaha bulshadda usoo jeedinayaa inuu dabagal ku sameeyo siday wax u qabanaaan, waxa kale oo aan shirkadda usoo jeedinayaa in gaadiidkan qashinka qaada loo baahan yahay in xaga sare la daboolo marka qashinka lagu rido,isla markaana dhinacyadda kor loo qaado si aanu qashinku uga daadan”ayuu yidhi Mawliid Qaro.

Maayarka Caasimadda Hargeysa Md:Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko ayaa ku nuuxnuuxsaday in nadaafadda iyo bilicda caasimadda la ilaaliyo, waxaanu shirkadda ka hawlgala usoo jeediyey inay libin laabaa shaqadoodda, waxaanu shirkaddan Tawfiiq ee ku soo korodhay qashin gurka in qalabkeedda iyo waxay ku hawlgalaysa qiimeeyeen,isla markaana horteena yaalaan, intii loogu tallogalay inay la timaaddo.

“shirkad walba waxa laga rabaa gaadiidkii ay ku guri lahayd qashinka inay soo iibsado, marka shirkadan tawfiiq waxa horteena yaala gaadiidkii qashinka ku gurayeen, waxaana shadeedda iyo wixii dhimanba ka shaqayn doona oo daba gali doona waaxda arrimaha bulshadda, marka degmooyinka cabashooyinku ka yimaadaa marka la qiimeeyo waa lagu kordhinayaa shirkaddo qashinka la guro, waxaanay shirkaddani ka shaqayn doonta labadda degmo ee la idiin sheegay”ayuu yidhi Cabdiraxmaan Soltelko maayarka caasimadda.

Masuuliyiinta dawlada hoose ayaa shirkaddan  hubinayey inay dhamaystiran yihiin qalabkii loogu tallogalay inay wax ku qaban karto, waxaanay lagu amray in xarunta dawladda hoose la iskugu keeno qalabkay ku shaqaynaysay, waxaanay kormeereen isla markaana qiimeeyeen inay awood u leedahay inay qashinka gurto,

 

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.