Dawlada Ethiopia Oo Xalay 5 Wariye Ka Qafaalatey Gudaha Somaliland Iyo Magacyada Suxufiyiintaas

0
Cabdi Maxamed CUmar wuu ku guulaystay siyaasadisii

Wajaale (Sayruuq)- Dawlada degaanka Somalida dalka Ethiopia ee uu madaxweynaha ka yahay Cabdi Maxamuud Cumar ayaa waxaa ay habeenkii xalay ahaa ay gudaha magaalada Wajaaale ee Somaliland ay ka dhex qafaasheen shan wariye oo Rer Somaliland Ah

liyuu

Shantan wariye oo ka hawl gali jiray magaalada Gabilay ayaa waxaaa ay ku tageen magaalada Wajaale ka dib markii la khiyaameyey laguna yidhi waxaad kaaleydaan Magaalada Wajaale gar ahaan dhinca Ethiopia oo suldaan lagu caleemo saraayo

Ka dib markii ay inamadu halkasi gaadheen ayaa waxaa loo qaadey dhinca magaalada Jig jiga ee xarunta DDSI waxaana afar ka mid ah dhalinyardas suxufiyiinta ah ay sheegayaan wararka ay helayso shabakada Ilaysnews.com in la dejiyey laguna xidhay Hotel halka mid ka mid ahna la la,yahay meel uu jaan iyo cidhin Dhigay

Magacyada Shantan Suxufi ayaa kala ah :-

Mukhtaar Nuur Ibraahim HCTV

Cayduur Qadiye Universal Tv

Ayaanle Bulsho Tv

Cilmi Maxamed Jaamac STAR Tv

muxuyudiin Maxamed Daahir SNLTV

Suxufiga la sheegay in ilaa hada aan warkiisa la heyn ayaa waxaa uu yahay Wariye Mukhtaar Nuux Ibraahim Oo HCTV uga soo warama magaalada Gabilay taas oo ay xogaha ay Helayaan Warbaahintu ay sheegaan in cida loo dan lahaba ay isaga tahay ka dib markii uu telefishankaasi Baahiyey xasuuq ay ciidamada Liyuu Booliska ka geysteen deegana Gaashamo

Waxaana xusid mudan in aanay wali jirin cid ka hadashey arintan

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.