DAREENKAYGA XAALADA TAAGAN MAANTA!!

0

DAREENKAYGA XAALADA TAAGAN MAANTA!!

BULSHADA SOMALILAND

Somaliland Meesha kaliya Ee u bad qabtay Ee Aanay Siyaasadu galin Waxay ahayd Ciidanka Qaranka Ee inta Samaha iyo Nabadgalyada Jeceli ha u tudho oo Arrintooda Mikirifoonka Iyo Warbaahinta Halaga Daayo.

MADAXWEYNE MUUSE

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Waxa la gudboon Inuu Ficil Iyo Hadalba Ku Daweeyo Tabasho kasta Oo Somaliland ka Jirta iyo inuu Toosiyo Wixii Qaranka ka qaloocday, isagoo la tashanaya islamarkaasina garabsanaya Dadka lagu majiirto Qaran dhiska iyo ISU Jidka dadka somaliland

ARRINTA CIIDANKA SANAAG BARI

Sarakiisha Ciidamada Sanaag Bari Ee Puntland u tagay wax Somaliland ku Cusub Maaha Oo Arintoodu waxay ahayd kuwo soo goostay oo la Soodhaweeyo Iyo kuwo taga, Siyaasada lagu maamulayeyna Way ka Duwanayd Ta lagu Dhaqo Ciidanka Dhisan Ee Iyaga iyo Saanadooduba Ay qaramrysan yihiin, tiknikada iyo Qalabka Ciidan Ee ay u Puntland u la talabeen may lahayn Astaanta Ciidanka Qaranka Somaliland Ee waxay u muuqdeen si kasta haku joogeene Ciidamo Taabacsan Somaliland.

NUUX TAANI

Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Nuux Ismaciil Taani kulan Warbaahineedkisii u qabtay Cadho Ayaa ka Muuqatay,
Arrinta ka hadalka Ciidamada puntland tagay iyo Siyaasaduu kusoo maamulayey ka hadalkeeda iyo Arrinta Caare Ee Xiligan Uu isku dhex daray may haboonayn , Ee waxay ahayd inuu ku koobnaado Ciidamadii tagay Ee Taabacsanaa Somaliland, arrinta Caare inuu kusoo gaabiyo Soo hadalqaadkeeda “Waan waanbaa Socota oo ka hor dhici maayo ” ayey ila muuqatay

MADAX DHAQAMEEDKA CEERIGABO

Suldaan Maxamed Xirsi Qani Waxa uu Muujiyey Wanaag si Asluubaysana wuu u hadlay isagoo Madaxweynaha dulsaaray Xujo ah inuu Talaabo qaado ,lakiinse madax dhaqameedkii ka barbar hadlay way ka dileen gartii oo hanjabaadbay ku dareen hadalkoodii

CAARE

Caare hadalkiisa la iima Diidin markaan Barbar dhigey Hadalkii Taani oo waxa uu ila muuqday isu Jawaab Labo Askari Oo kasoo kala jeeda labo Degaan oo midba ka kale Dagaal iyo dad la LAAYEY ku edeeyey.

Qalinkii
Guuleed jamac
Guuleedj78@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.