Dardaaranka Ninkii Isku Qarxiyey Huteel Naasa-Hablood 2, Daqiiqado Ka Hor Intii Aanu Qarxin – Kelmadihiisii Ugu Dambeeyey Ee Uu U Dhaafay Waalidkii, Kooxdiisa, Qabiilkiisa Iyo Dawladda Xamar & Waxa Uu Aakhiro Ka Filayo

0
 

Muqdisho(Sayruuq)– Idaacadda ku hadasha afka kooxda Xarakada Alshabaab ayaa toddobaadkan baahisay codka mid ka mid ah raggii kooxdan ka tirsanaa ee isku qarxiyey gudaha Huteel Naasa-hablood 2 ee Magaalada Muqdisho. Idaacadda ayaa sii daysay codka Xuseen Rokow Maadey oo lagu magacaabi jiray Carab kaasi oo cod dardaaran ah dicaaddaasi waraysi ku siiyey wax yar ka hor intii aanu isku qarxin Huteelka Naasa Hablood 2 oo ay dad badani ku dhinteen.

Xuseen Rokow Maadey oo Carab loo yaqaanay ayaa sheegay in uu ka soo jeedo beesha Gaal-jecel idaacaddana uu la wadaagayo dardaarankii ugu dambeeyey noloshiisa ka hor inta aanu is qarxin, dardaarankaasi oo uu kaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin sababta hawl-galkaasi ku kallifaysa, ujeedada uu ka leeyahay, dardaaranka uu u dirayo hooyadii, aabihii iyo walaaladii iyo ugu horrayn farriin uu si toos ah ugu dirayo Farmaajo iyo kooxdiisa. Dhammaan codka dardaaranka ah ee ninkan is qarxiyey oo aanu ka soo xiganay idaacadda Andalus ayaa waxa uu ku odhanayaa sidan:

“Magacayga oo la ii yaqaanaa waa Carab. Magaca ay hooyaday iyo aabbahay ii bixiyeen ee ii la ii yaqaanaana waa Xuseen Rokow Maadey, beesha aan ka dhashayna waa Beesha Gaal-jecel. Marka hore waxaan salaamayaa Mujaahidiinta gaar ahaan umarada oo uu ugu horreeyo Abuu Cubayda illaa iyo Amiirul Majmuucaha. Makaatibta kala duwan iyo gaar ahaan idaacadda Al Andalus ayaan salaamayaa. Inta aanan u bixin hawlgalkan ee waxaan Marka ugu horreysa cafis waydiisanayaa walaalahayga mujaahidiinta ah meel kasta oo ay joogaan. Marka ay maqlaan walaalkiinii Carab ahaa waa shahiiday oo hawlgalka ayuu galay haddaad maqashaan walaalayaal horta inaad I cafisaan ayaan idinka waydiisanayaa anniguna hore ayaan idiin cafiyey oo cid aan wax u qabaa ma jirto. Amiirkayga gaarka ah oo aanan doonayn in aan magaciisa sheego aadbaan u jecelahay, amiirka maanta I soo diray ee dhinaca iga soo diray ee I soo abaabulay isagana farriinta aan u dirayaa waxa ay tahay ‘walaal waan ku salaamayaa Salaamu-calaykum wa-raxmatullaahi wabarakaatuh, Amiir dadka aad amiirka u tahay eek ala duwan waxaad ugu dadaashaa waxbarashada diinta, akhriska qur’aanka kariimka ah, dawraatka inaad ugu dadaasho ayaan jecelahay.

“Anigu waan socdaa. Waxaan u socdaa maaha in la yidhaa CARAB meeshaasi ayuu u socdaa. Waxa aan u socdaa ma aha in la yidhaa ninkii Carab ayaa halkaasi galay. Waxaan u socdaa kelmadda Laa Ilaaha Illa Laah Maxamadu-Rasuulullaah. Ilaahay la kulankiisa ayaan u socdaa. Wajiga Ilaahay ayaan xiiso u qabaa. Jannatul-Fardawsa ayaan xiise u qabaa. Xuural-caynta Ilaahay noogu bushaareeyey ee noo ballan qaaday ayaan xiise u qabaa. Gabdhaha walaaladay ah ee Muqdisho jooga ee Kismaayo jooga ee indho shareerka laga qaaday ee Baladweyne jooga ee Buulo-burde jooga ee meel kasta jooga ee Indho-shareerka loo diiddan yahay waxaan jecelahay in ay indho-shareerkooda meel kasta ku maraan oo xorriyad ku maraan. Qabiilkayga Gaal-jecel waxaan leeyahay waar Jihaadka waad ku yar tihiin oo geela ayaad raacaysaane soo gala jihaadka.”.

“Cadawbaan ku wajahanahay, cadawgaasi aadbuu isaga dhib badan yahay. Marka Ilaahay xaggiisa diinta loo raacana ma dhib badna oo Ilaahay baa noo fududeeyey oo noo dhib yareeyey. Murtadka iyo gaalku horta way is leeyihiin. Waxa ay noogu kala duwan yihiin ma jirto maadaama ilaahay jidkiisii ay ka leexdeen. Murtadow wax aad faa’iido leedahay ma leh, jidkeenii baad ka leexateen. Waxaan ku odhan lahaa waa in aad soo muslintaa. Waad soo muslimi wayday saw maaha!. Anna waan kugu soo wajahanahay saw maaha. Jahannama ayaad iiga sii hormaraysaa. Waxaa kuu soo hadhay Farmaajo. Farmaajo waa nin Maraykan ah. Waxa ay haystaan dhalashadooda waxa uu Maraykanku u soo carbiyey oo soo dhaqan baddalay oo waxa uu rabo ka soo suubsaday. Khayr laawe Farmaajo iyo kuwa la mid ahi haddaad u malayseen Soomaali, waa Soomaali maaha yaan lagu kadoobin.

Hooyaday iyo aabbahay kolay warku waa gaadhi doonaa waxaan ku sabirsiin lahaa oo aan halkan uga dirayaa farriin. Hooyoy anigu ma dhiman, qof idinka tagay ma ihi, ee waxaan ahay qof ilaahay doortay oo u doortay in aan qorto hawlgalka istishhaadiyada ah oo doonaya in uu gaalo cidhib tiro. Hooyooy macaantoy waxaan Alle ka baryayaa in Maalinta Qiyaame Ilaahay kuu shafeeco qaado adiga iyo aabbahayba. Hooyoy haddii aad u malaysay in aan dhintay maan dhiman ee waan shahiiday ee ku sabir waa in aanad ooyin.

Walaalahay waxaan leeyahay ha ooyina maalinta aad maqashaan walaalkiin ayaa galay istishhaadiyada inaad ii soo ducaysaan ayaan rabaa oo aydaan ooyin. Ragga qaar baa markay shahaado qaadanayaan yidhaa hooyaday waa loo joogaa oo rag badan ayaa la jooga. Aniga hooyaday aniga oo kali ah ayay I dhashay wax rag ah, inta kale waa hablo. In aan hooyaday iyo aabbahay la joogo waxaan ka jeclaaday la kulanka Alle SWT.

Hooyoy haddii aad u malaysay in aan kaa tagay kaama tagin ee waxa aan kulmi doonaa maalinta qiyaame. Aabow, maalinta qiyaame ayaan kulmi doonaa. Dadka badan ee jihaadka ka fadhiyaa haku waano qaataan. Hooyoy haku waano qaataan hooyada 10-ka wiil dhashay ee haddana ay jihaadka ka fadhiyaan kaku waano qaataan sida aad aduu jihaadka iigu dirtay. Hooyo adiga oo I dhalay oo aan ahay wiilkaagii oo kali ah haddana waad I dirtay oo jihaadka ayaad ii dirtay. Hooyooy sida aad ii taabatay calooshaada u adkayso maalinta qiyaame jannatul fardawsa ayaa innoo ballan ah” ayuu yidhi ninkan is qarxiyey ka hor intii aanu is qarxin.

Xigasho:Wargeyska Foore

Sayruuq News

Xafiiska Hargeysa

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.