Darawalka Madaxweyne Siilaanyo Oo Ka Hadlay Warar Ku Saabsan In Uu Tahriibay

0

Hargeysa(Sayruuq) Todobaadkii u dambeeyay waxa jiray hadal hayn ku saabsan in uu tahriibay darawalka khaaska ah ee Madaxweyne Siilaanyo kadib markii lagu war helay socdaal uu ku joogay dalka Turkiga. Hase ahaatee darawalka oo Hargeysa kula hadlay saxaafadda ayaa sheegay in aanu tahriibin ee uu fasax u tagay dalka Turkiga.

Warbaahinta oo waydiisay waxa ka jiray xogtan bulshada ku dhex faaftay ayaa ku jawaabay “Waa warar been ah oo aan sal iyo raad toona lahayn oo wax allaale wax ka jira aanay jirin. Waxa jiray safar yar oo gaaban oo aan 7 cisho ugu baxay Turkiga oo fasax 7 cisho aan qaatay, fasaxaasna muddadiisii iyada oo aanay dhammaan Ayaan soo noqday ba,” Sidaas ayuu yidhi  Cabdi Cabdillaahi.

Maalmihii u dambeeyay baraha bulshada waxa lagu hadal hayay tahriibka Wadaha Siilaanyo taas oo loo arkayay rajo xumo Qaranka soo wajahday mar haddii dadkii meelaha u sareeyay joogay tahriibayaan. Waxa jira masuuliyiin kale oo la sheegay in ay waddamada shisheeye u haajireen lamana oga ujeedka fasaxa uu sheegay in uu Turki ku tagay darawalka Siilaanyo.

Sayruuqnews.com

Hargeysa-Somaliland

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.