Daraasad Soo Bandhigtay Xidhiidhka Somaliland Iyo Wales

0
Daraasad Soo Bandhigtay Xidhiidhka Somaliland Iyo Wales

Daraasad Soo Bandhigtay Xidhiidhka Somaliland Iyo Wales
Hargyesa(Sayruuq) Waaxda Cilmi Baadhista ee Jaamacadda Cardiff ee Carriga Ingiriiska ayaa daraasad ku samaysay soo kabashada dhaqaalaha Somaliland oo ay sheegtay in uu halbowle u yahay ganacsiyada gaarka ah siiba ganacsiyada yaryar ee jidadka hareerahooda iyo suuqyada.

Warbixin ay BBC-da qaybaheeda Afka Ingiriisidu daabacday ayaa tilmaantay in xidhiidhka bulshada Somaliland iyo gobolka Wales soo taxna ilaa 1870s xilligaas oo bulshada Somaliland oo caddaadis maxalli ah ka cararaysay u shaqo tagtay halkaas iyaga oo Maraakiibta Ingiriiska raaci jiray haddana ay bulshada Somaliland tahay tan ugu badan ee Cardiff. Gobolkan ayaa ahaa kii labaad ee Somaliland aqoonsada iyada oo ay ka horaysay degmada Shefiil.

Iid Axmed oo waaxda cilmi baadhista ee jaamacadda Cardiff kala shaqeeyay daraasaddan ayaa sheegay in baadhistu muujinayso in dhaqaalaha maxalliga ah ee Somaliland ka yimaaddo 75% ganacsiyada yaryar ee bulshadu abuuratay kuwaas oo qaarkood jidadka hareerihiisa yihiin, islamarkaana 80% dadka shaqeeya ka shaqeeyaan waaxdan ganacsiyada suuqyada iyo jidadka hareerahooda.

“Waxaan si xooggan u aamminsanahay in haddii la taageero qaybtan dhaqaale ee ganacsiyadan aan rasmiga ahayn uu dhaqaalaha Somaliland sannado kooban kor ugu kici lahaa,” Sidaas ayuu yidhi.

Iid Cali Axmed waxa uu dhaqaalahan aan caadiga ahayn ee dadku abuurteen ku tilmaamay laf-dhabarta dhaqaalaha Somaliland. Tusaale ahaan 168 qof oo ay waraysteen 77% waxay ka shaqeeyaan qaybtan ganacsiga gaarka ah ee Hargeysa.
Warbixintan ayaa xambaarsan caqabado badan oo Somaliland dib u dhigay kuwaas oo ka mid tahay siyaasadda qabiilaysan, adeegga dawliga ah oo aan jirin, kaabeyaasha dhaqaalaha oo liita, korontada oo ay bixiyaan shirkado gaar ah oo qiimahoodu sareeyo iyo arrimo kale.

Waxa ay daraasaddu ku talinaysa in la taageero ganacsiga gaarka ah iyo in ay bulshada qaybtan ka shaqaysata samaysato dalad codkooda kor u qaadda, islamarkaana ilaalisa xuquuqdooda.

Waxa xusid mudan in dawladda hoose ee Hargeysa had iyo jeer dhibaato ku hayso ganacsiga qaybtan oo cidhiidhi suuq jiro, islamarkaana dadka oo meelo ay ku ganacsadaan waayay isugu soo urureen jidadka. Wargeysak Waaberi oo dhawaan u guur galay suuqyada Hargeysa ayaa ogaaday in dad badan dhaqaalahoodu ku burburo dawladda hoose oo burburisay wixii ay ku ganacsanayeen.

Source: Wargeyska Waaberi

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.