DAMACA MUUSE BIIXI IYO DANTA URURADA

0

DAMACA MUUSE BIIXI IYO DANTA URURADA
Muuse biixi wuxuu u fahmay in uu sharcigu yahay waxa uu isagu sameeyo, kadibna waxa uu sameeyay sharci jaban badan, balse xagiisa sharci ka ah ilaa uu gacmaha galiyay saraakiishii Qaranimada Somaliland, deetana imika waxa ay taagantahay in sakasha oo Qaranimada ah la jaro oo muuse la badbaadiyo, iyo in muuse gacmaha laga jaro oo qaranimada la badbaadiyo. Doorashadii madaxtooyadu waxay ku beegantahay 13 November 2022, halka ay xisbiyadu sharcinimada waayayaan 20 December 2022 waxii ka dambeeya, Sidaa daraadeed Muuse biixi labba arimood midkood ayuu samayn doona:

1️⃣in uu kordhisto kadibna yidhaahdo doorasho ururo ayaan qabanayaa , taasi suuro gal maaha oo waxaa laga yaaba in dalkuba ku burburo, hadii dalku burburana Ururo, Xisbiyo iyo Xukuumad toona jiri maayaan, taasna dani uguma jirto siyaasiyiinta ururada furtay iyo kuwa kale toona.

2️⃣in muuse ka laabto go’ aankiisa furista Ururada oo uu xukuumadiisa iyo xisbiyadaba mudo kordhin u sameeyo, taasina sidoo kale dan uma aha Siyaadiyiinta ururada furtay. Hadaba maxaa xal ah?

Maadaama siyaasiyiinta ururada samaystay ay kharash iyo hawl badan galeen, xaqna u leeyihiin in ay xisbiyo u tartamaan oo ay doorasho galaan, muuse biixi na ay ku adagtahay in uu doorasho ururo ah qabto ka hor 13November 2022.

HADABA, SI MUWAADIN KASTA OO DANAYNAYA SIYAASADA OO DOONAYA IN UU URUR FURTO UU U HELO XAQA UU DASTUUR U DAMAANAD QAADAY EE AH IN 10 SANABA LA FURO URURADA, DALKUNA UU UGA BADBAADO QAS IYO BURBUR WAXAA HABOON ARAGTIDAYDA :

1️⃣.IN AY URURADA CUSUBI LA SAFTAAN XISBIYADA MUCAARADKA AH OO IYAGU KALIYA DOONAYA IN AY DOORASHADA MADAXTOOYADA OO SOO HORAYSA GALAAN, KADIB DECEMBER MARKA UU LIISANKU KA DHACANA AY URURADA LA TARTAMAAN.

2️⃣.IN IYAGOO MIDAYSAN AY MUUSE IYO XUKUUMADIISA KU DIRQIYAAN AMA KU KHASBAAN IN UU QABTO DOORASHADA MADAXTOOYADA OO AANAY DHAAFIN WAKHTIGEEDA.

3️⃣.SIDOO KALENA WAXAA HABOON IN ASXAABTA MUCAARADKU AY XOD XOTAAN AMA LA HESHIIYAAN SIYAASIYIINTA URURADA FURTAY, UNA SHARAXAAN IN AANU MUUSE…

WQ: Cabirisaaq Dallo

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.