Damaanad Kaga Umuli. W/Q Ibraahim Qaasim

0

“Halkan habeen hore ilma yar ayaa la soo dhigay, halkaas kalana mid kale ayaa la soo dhigay, laakin kani meyd ayuu ahaa oo waxaa dishay hooyadii dhashay… dhakhtarka weyn midbaa ku umushay oo ka carartay, dhakhtarkeenana mid kale ayaa sidoo kale isna kaga carartay”

Salaadii cishaayi ayuunba laga baxay, wali looma kicin xataa sune, waxaa soo istaagay wadaad yar oo dabeecad wanaagsan, dhoola cadayn ayuu qudbadiisa ku bilaabay oo dadkiba way wada sugeen inta uu wacdigiisa dhamaysanaayo.

Wuxuu ka sheekeeyey dhibaatooyinka dalka ka jira dhanka dhalinyarada iyo waayaha ku gadaameen ee shaydaanku u weheliyo, Ramadantii ina dhaaftayna xooga ayuu ka taataabtay.

“barigii dhawayd ee diwaangelinta qof kata waatii lagu xidhay inuu odaygiisa keeno ama caaqilkiisa, qoladan dhakhaatiirta kolay way fadhiyaane waxaan odhan lahaa marka goobaha caafimaadka laydinku yimaado qofka waydiiya caaqilkiisa ama qof ka damiina oo hadhaw dush loo saaray dhibaatada dhacda”

Aad ayaa ereygaa markii masaajidka laga soo baxay loogu bogay, waxaayo waxaa dhici karta in dumar iyo rag is wataa dhakhtar geeyaan gabadh rabtay inay ilmaha qarsoodi ku dhasho ama si kale looga farsameeyo, kuwaasi garo oo hadhaw ma leh meel loo raaco, waa rag iyo dumar is wataan.

Arrin muhiimadeeda leh ayey noqotay, qof kasta hadii qof damiin ah laga reebo hadiiba ay dhacdo in sida kuwaas looga yaacay, hadeerto marag iyo markhaati ayey yeelanaysa oo odaygii keenay ayaa jooga, waana ruuto gal inay wax badan hoos u dhigto.

Sheekha ilaahay khayr badan ha siiyee uu sii watay kalmadii uu u istaagay wuxuun ka sheekeeyey Ramadaantii iyo waxyaabihii ka dhacay, laba ayuu tusaale u soo qaatay yar yar taraawiixda u baxa oo ilaahay wanaajiyey oo masaajidka tujiyey oo lagu nastay iyo kuwo kale oo taraawiix kale u baxa oo aan masaajidaba ka soo xaadirin, hadhawna guryaha ku soo beegma xiliga laga dareero salaada taraawiixda.

Qodobka ugu dambeeya waxaan ku soo khatimi doonaan qormada arrin kale oo la xidhiidha isla Ramadaanta xiliyada suuqu mashquulka yahay, taas oo faro baas lagu hayo haweenka u adeegsiga taga suuqyada kala duwan ee Hargeysa.

Sheekha ayaa ku soo daray kal madiisii ciyaalka haweenka dhaqamo xun xun kula kacay waxaanu yidhi “Sheekh Ismaail ilaahay khayr badan ha siiyee, fadwo uu masaajidkaas ka wayday ayaa todobaad nalagu waydiinaayey su’aal soo noq noqotay, waan fahmi weynay, su’aashu waxay odhanaysa “dumarku markay meel cidhiidhiya galaan waanu ku laabnaa” laabitaankaas ayaan fahmi weynay, waxaan arki jirnay gaadhi lagu laabo….”
Sheekhu wuxuu sii raaciyey ilaa ay noo yimaadeen kuwii su’aasha soo qoray oo ay nagu yidhaahdeen “su’aasha maxaad nooga reebtaan maalin kasta”.

Dhibka intaas leeg ee haweenka loo gaysanaayo habaar qabayaal aan loo ducayn ayaa u gaysanayaa, inkaar iyo gaarihina shaqaysanayaa, laga yaaba inuu gidaar halkeera laydha cabaayo oo aanu warba u hayn arrin iyo aduun meel ay marayaan.

Wadankii xagii dhalinta halkaas ayuu marayaa ee Alle ha sahlo.

W/Q: Ibraahim Qaasim
qaasin05@hotmail.com
ibraahimqaasim@yahoo.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.