Dalal Aanay Farmaajo Is Ogolayn Oo Cambaareeyay Qaraxii Shalay

0
Dalal Aanay Farmaajo Is Ogolayn Oo Cambaareeyay Qaraxii Shalay

Dalal Aanay Farmaajo Is Ogolayn Oo Cambaareeyay Qaraxii Shalay

Waddamada Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta ayaa noqday dalalkii u horeeyay ee cambaareeyay qarax shalay galab ka dhacay magaalada Muqdisho waxaanay ku tilmaameen fal arxan darro ah oo muujinaya sida wali Shabaab u firfircoontay una tahay cadawga Soomaaliya. Dalalkan ayay siyaasadda ku kala tagsan yihiin madaxweyne Farmaajo loona aaneeyay khilaafka ka dhex socda baarlamaanka iyo ra’isal wasaaraha.

War qoraal ah oo ay soo saartay Wasaaradd arrimaha dibadda ee Dalka Sucuudi Carabiya ayaa lagu sheegay in Xukuumadda Riyadh ay siweyn uga xuntahay falkaasi qaraxa oo khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka soo gaadhay dad rayid ah.

 

Boqortooyada Sucuudiga ayaa sheegtay in ay xoojinayso taageerada Dowladda Soomaaliya, islamarkaana ay door ka qaadanayso sidii loola dagaalami lahaa maleeshiyada Alshabaab.

Sidoo kale Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa dhankeeda dhaleeceysay qaraxaasi,War saxaafadeed kasoo baxa Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Imaaraadka Carabta,iyagoo dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmayba ilaahay uga baryay naxriistiisa.

 

Warkan qoraalka ah oo ay soo saartay Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa ku sheegtay falkani oo muujinayo sida maleeshiyada Alshabaab ay u yihiin cadowga Shacabka Soomaaliyeed,loona baahanyahay in la xoojiyo gulufka ka dhanka ah Alshabaab.

Siyaasiyiinta Soomaaliya ayaa todobaadadan dawladda Imaaraadka ku eedaynayay in ay aloostay mooshinka ka dhanka guddoomiyaha golaha shacabka Mr Jawaari.

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

 

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.