Dahabshiil Group Oo Qabatay Orodka 10km iyo 42Km

0
Dahabshiil Group Oo Qabatay Orodka 10km iyo 42Km

Shirkadda Dahabshiil Group ayaa qabatay Tartanka Orodka Dheer ee Dahabshiil Somaliland Marathon oo ay ka qayb galeen Saddex boqol iyo lixdan(360) orod-yahan. 30 ka mid ah orod-yahannada ayaa ahaa ajaanib halka 70 ka mid ah tartameyaashuna ahaayeen haween. Tartankan oo sanad kasta la qabto waxa maalgalisa shirkadda Dahabshiil Group waxaana la qabanqaabisa wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha.

Tartanka Dahabshiil Somaliland Marathon oo Hargeysa Stadium ka qabsoomay 21 February 2020 waxa ka qayb galay tartameyaal ka kala socday lixda gobol ee Somaliland iyo waddamo caalamka ah. Orod-yahannada ayaa ku tartamayay orodka 10km iyo 42km.

Madaxa suuq-geynta Shirkadda Dahabshiil Motors Hibo Warsame ayaa faahfaahin ka bixisay ujeedada laga leeyay tartankan waxaanay tilmaantay in lagu dhiiri gelinayo dhallinyarada Somaliland.

Anigu haddii aanu nahay Dahabshiil Group sababta aanu tartanka u maalgalinay waa in dhallinyaradu si nabad ah isugu timaaddo oo tartamada dib loogu soo noqdo, waxaynu nahay dad tartamada ka qayb gali jiray, waxaanu doonayna in tartamada caalamiga ah laga dhex arko tartameyaal reer Somaliland ah oo guulaysanaya rag iyo dumar ba. Sababta aanu mar walba dhallinyarada u barbar taaggan nahay waa in dhallinyaradeenu noqoto dhallinyaro tayo leh oo Adduunka la tartanta. Dahabshiil Group oo qaybaheedii leh sida Dahabshiil Bank, Xawaaladda, Somtell iyo aniga oo ka socda Dahabshiil Motors Hyundai waxaanu isugu nimid dhiirigelinta dhallinyarada,” ayay tidhi Hibo Warsame.

Dahabshiil Group Oo Qabatay Orodka 10km iyo 42Km

Wasiirka wasaaradda Ciyaaraha Mudane Boos Mire Maxamed ayaa shirkadda Dahabshiil uga mahadceliyay Maalgalinta tartanka, islamarkaana dhallinyarada ku baraarujiyay inay ogaadaan cidda waxtarta iyo doorka Dahabshiil ku leedahay taageerada dhallinyarada.

Guddoomiyaha Dahabshiil Group Oo Ka Hadlay Muhiimadda Tartanka Orodka Dheer Ee Somaliland Oo Shirkaddu Qabatay

Wasiirka arrimaha gudaha Mudane Maxamed Kaahin Axmed ayaa ammaanay kaalinta habluhu ka qaateen tartanka iyo muhiimadda uu leeyahay in la qabto tartan noocan ah “Arrintani waxa kaliya ee ay muujinaysa waxa weeye in ay Somaliland ka dhacaan tartan orod oo caalamka oo dhan la iskaga yimid, taas oo ay suuro gelisay ama sahashay nabad galyada Somaliland ka jirta,” Sidaas ayuu yidhi wasiir Maxamed Kaahin.
Maamulaha Guud ee Dahabshiil oo ku Baaqay in la Barbar Istaago Dhallinta leh Hanka iyo Hibada Ciyaareed

Ugu dambeyn masuuliyiinta shirkadda Dahabshiil iyo wasiirrada Ciyaaraha iyo arrimaha gudaha wada jir u guddoonsiiyay tartameyaasha guulaystay qadarro lacageed iyo abaalmarino shirkadda Dahabshiil Group ugu talo gashay.

Dahabshiil Group Oo Qabatay Orodka 10km iyo 42KmDahabshiil Group Oo Qabatay Orodka 10km iyo 42KmDahabshiil Group Oo Qabatay Orodka 10km iyo 42KmDahabshiil Group Oo Qabatay Orodka 10km iyo 42KmDahabshiil Group Oo Qabatay Orodka 10km iyo 42Km

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.