Dagaalkii Lagu Qaaday Ganacsade Ahmed Osman ee Shirkadda ISS Oo Soo Laba Kacleeyey

0

Dagaalkii Lagu Qaaday Ganacsade Ahmed Osman ee Shirkadda ISS Oo Soo Laba Kacleeyey

WAXYI IGUMA SOO DAGO HADDANA WAX IMA SEEGAAN:

Hargeisa ( Sayruuq):Ugu waxaan halkan idinkula wadaagii doona bixin ah wixii ka soo baxay arinkii ISS wixii ka hirgalay iyo siday Muuse iyo kooxdiisu u doonayaan inay xatooyo xirfadaysan markale ganacsiga Axmed Geele ugula wareegaan.

Hadaba; sidaynu la wada soco waxa ganacsade Ahmed Osman lagu soo qaaday weerar qaawan oon dhuumasho lahayn iyadoo lasoo weeraray hantidiisi iyo ganacsigiisi, iyadoo ay garab socotay in si joogta ah loola hadlaayey amarna loo siinayey dhamaan shirkadihii kala duwana ee uu wakiilka u ahaa si loo tuso inuu meesha ka baxay ama loogu bahalo galiyo si ay cid kale ula wareegto wakiilnimadiisa iyo ganacsigiisaba.

Hagaag; hadaba anigoo aad ugu mahad celinaya masuuliyiintii iyo labeentii reerka ka socotay ee arinkan Muuse saaka ugu tagay iyo sida ugala hadleenba, sidad maqasheen Muuse masuuliyiinta reerka si fiican ayuu u soo dhaweeyey isagoo tusaayey inuu wixii dhacay ka xun yahay laakiin runtu way qarsoon tahay Araboow “ALOOW YAA KU DOOXO HADANA AAN KU DILINOO WAXAD DAMACSANTEE JIRA DIBADA ULA SOO BAXA”.
Muuse wuxu jilayaa wax lala fahansan yahay runtiina dagaalkii muu dhamaane imikuu kow yahay, waxan ku tilmaami karaa inuu isku qanciyey maahmahdii ahayd “QAWDA MAQASHII WAXNA HAW QABAN” oo waayo maxaan sidaa u leeyahay?.
Madaxweyne Muuse iyo guruubkiisu waxay dhigeen shax ay is leeyihiin laydinlama fahmsana oo ah Arab mar hadii maanta foolaadkiisii iyo dadkii ugu cuslaa arintaa kaagaga yimid tus inaad aqbashay oo faraha ka qaaday laakin maya, maya sidaa maaha.

Shirkada ISS ee Axmed Osmaan waxa gaadhay waxyeelo wayn oon ahayn kaliya in la xayiray liisankiina lagala noqday ama warqad digreeto kaliya laga qoray balse taa badalkeeda waxa si toosa oon gabasho lahayn loola xidhiidhay oo loogu wargaliyey dhamaan shirkadihii uu Wakiilka u ahaa in Shirkada ISS meeshii laga saaray wakiilnimo dambana aanay sii noqon karin isla markaana lagu war galiyey ama la waydiistay in wakiilnimadooda ay cid kale siiyaan.

Sidaa markay tahay waxay istuseen inay Arab ku qanciyaan in Axmed Osmaan hawshiisii faraha laga qaaday Arabna sidaa ku niyad samaado Shirkadii ISS ee Axmed Geele na warqad loo qoro xafiiskiisii Berbera oo imikadaaba furana la yidhaa wuu idiin furan yahay.

Sidaana lagula xidhiidho shirkadihii uu wakiilka u ahaa sida imikaba dhacday hadhawna la yidhaa waa lagaa wareegay.
Markaa waxan idinku war galinaya Arabow inuu ninkii Muuse khiyaamo wato oo aanu hawshii si toosa faraha ugala bixin. Maxaa hadaba inala gudboon.

  1. Inaynu ogaano inaanu dagaalkii dhamaane ay dhagaro kale maleegayaan kooxdii Muuse iyagoo wajiyo kale iyo habab kale adeegsanaaya
  2. Inaynu cod dheer ku sheegno inaynu fahamsanahay tuugadiisa iyo siduu khiyaamada u wato una sheegno inuu si toosa faraha ugala boxo.
  3. Inaynaan sacabka iska tumine aynu la socono halkay marba wax marayaan arinkaana is wada gaadhsiino isla markaana ka hadalo.
  4. Inaynu yarayno rumaysashada ninkaa iyo kooxdiisa ilaa uu si dhaba faraha ugala baxayaan dhamaan ganacsiga iyo shirkadaha Axmed Osmaan war cadna ka soo saarayaan.

Ugu dambayntii waxan kusoo gabogabaynayaa tuducyo ka mida gabaygii abwaan Faarax Nuur Lahaa:

Goor maad run uga qaadateen, qaan yaraa dirirtu

Qabbi hadalka lagu laankalaan, qaar ka saamiciye

Waa lagu qiyaamaynayaa, Arabka qaarow ‘e

Bal qilaafka daya geeddigaa, idin qaddaacaaya

Qayrada xagee lagu wadaa, Qadow ka meeraysa

Qosol been ah fool wada qayaxan, qiil aan garanaayo

Booraan afkii laga qafilay, qabarna hooseeyo

Qunsur oodan shabag, laysu qubay qoolad iyo xeelad

Qulaab iyo kulaab iyo lacaab laysu qarinaayo

Qiyaamada kobtaa daahir ah aan qun ugu soo jeedo

Doqon baa halkii lagu qatali, qoorta soo dhigane

Maanaa miniyo lay qarshaa, laygu qali doono

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.