Dagaalkii Berbera ee Ingiriiska iyo Talyaaniga

0

Dagaalkii Berbera ee Ingiriiska iyo Talyaaniga
W/Q Yusuf Garad
……….
Waa Majalad soo baxday muddo hadda laga joogo 78 sano.

Sawirkani waa Jaldiga kore ee Majalad soo baxday 28 March 1941. Waa bartamihii dagaalka labaad ee Adduunka. Majaladda waxaa magaceeda la yiraa The WAR, oo macnaheedu yahay dagaalka.

Dusha kore sida aad aragteen waxaa ku sawiran goob dagaal oo xeeb ah waxaana ku qoran erayada ah – Empire Troops Recapture Berbera.

Waxaa ku hoos qoran:

Saacadihii muggdiga ahaa ee arooryadii March 16, Maraakiibta Dagaalka ee Britain iyo kuwa ciidanka qaada ayaa sanqar la’aan ku sulaaxay xeebta Biritish Somaliland [dhulka Soomaaliyeed ee Britishka], oo toddoba bilood ay haysteen Talyaanigu.

Markay tahay Eber Saac [saacaddii ay ahayd in uu howlgalku billaabmo] ayay maraakiibta dagaalku billaabeen duqeyn. Ka dibna labada ciidan oo mid yahay Hindi xul ah, midka kalena uu ka kooban yahay Soomaali iyo Carabta Cadan ay u daateen xeebta Galbeed iyo tan Bari ee magaalada.

Farshaxankayagu wuxuu sawirkan ku muujiyay mid ka mid ah u daadashadii xeebta oo dusha ay ka daafacayaan madaafiicda maraakiibta ciidanka badda iyo dayaaradaha Ciidanka Cirka ee Boqortooyadu.

F. G.
Berbera waxay markaas ahayd caasimadda dhulka Soomaaliyeed ee Britishka.

Caddadkaan Majaladda The WAR, waxaa muddo hadda laga joogo dhowr iyo toban sano i siiyay nin aan markaa wada shaqeyneynay.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.