Dagaalka Sool Oo 40 Qof Ku Dhimatay

0
Wararkii U Dambeeyay Colaadda Sool

Dagaalka Sool Oo 40 Qof Ku Dhimatay
Wararka ka imaanaya deegaanka Dhumay oo 45 kiilomitar xagga koonfur galbeed kaga began magaalada Laascaanood waxay sheegayaan in dagaal beeleedyo dhimasho iyo dhaawac gaystay ay halkaasi ka dhaceen, sida uu caawa uu BBC-da u xaqijiyay guddoomiyaha gobolka Sool, Cabdirashiid Xuseen Cabdulle.

Guddoomiyaha oo la hadlayay weriyaha BBC ee Hargeysa, Axmed Saciid Cige ayaa sheegay in dad ka badan 40 qof ay ku dhinteen dagaalka maanta ka dhacay deegaanka Dhumay halka dad ka badan 80 qof ay ku dhaawacmeen.

Dadka dhaawac ah ayaa la geeyay isbitaalka guud ee magaalada Laascaanood.

Guddoomiyaha gobolka Sool ayaa codsaday in gurmad caafimaad oo degdeg ah la gaadhsiyo isbitaalka maadaama ay adeegyada caafimaadka ay gabaabsi ku yihiin isbitaalka.

Dadka deegaanka waxay BBC-da u sheegeen in dagaalka uu bilaabmay saaka, wuxuuna socday ilaa galabta, waxaana lagu soo warramaya in labada dhinac ay adeegsanayeen hubka culus ee saran baabuurta dagaalka.

Dagaallada kusoo noqnoqday deegaanka Dhumay ayaa la sheegay inay ku salaysan yihiin aano qabiil iyo dhul, waxaana dagaallada ka dhacay halkaasi ku dhintay boqolaal dad ah.

Tobban maalmood ka hora yay ahayd markii heshiis xabad joojin ah ay gaareen beelaha colaadda isku haya, waxayna arrintaasi ka dambeysay muddo labo bilood ah ay waxgaradka deegaanka ay u fadhiyeen xallinta dagaalka.

Garaad Jaamac Garaad oo kamid ah waxgaradka halkaasi ayaa ugu baaqay labada dhinac inay joojiyaan colaadda isla markaasna ay ka shaqeeyaan nabadda dadweynaha reer miyiga ah ee tabaaleysan.

Source: BBSomali

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.