Dagaal Gacan Ka Hadal Ah Oo Dhex-maray Wasiirka Boosaha Kenya Iyo Ex-Xildhibaan Faarax Macalin.

0

Nairobi(Sayruuq)-Booliiska Kenya ee qaabilsan arrimaha diblumaasiga ayaa sheegay inay baaritaan ku wadaan dagaal Khamiistii Hotel ku yaal Nairobi ku dhexmaray Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Federaalka Soomaaliya Maxamed Jaamac Mursal iyo Guddoomiye kuxigeenkii hore ee Baarlamaanka Kenya Farax Macalim.
Dagaalkan feerka iyo laadka ah ayaa waxaa qabtay kamerooyinka ku rakibnaa Hotelka, arrintan oo ay saxaafada Kenya si weyn uga hadashay.
Balse labada nin ayaa ka gaabsaday inay arrintan ka hadlaan maadaama uu socdo baaritaan ay wadaan ciidamada Booliiska qeybta baarta danbiyada la xariira Diblumaasiyiinta.
Illaa iyo hada lama oga waxa keenay gacan ka hadalka dhexmaray labada nin oo kasoo wadajeeda hal beel, arrintan waxaa cambaareeyey siyaasiyiinta Soomaalida Kenya.
Farax Macalim ayaa hada kamid ah siyaasiyiinta taageersan Xisbiyada Mucaaridka Kenya isla markaana ku jira loolan xoogan oo uu doonayo in xilka looga qaado xildhibaanka kasoo gala Garissa ee Adan Ducale oo hada ah afhayeenka Xisbi Xaakimka Kenya.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.