Dadweyne Cabasho ka Muujiyey Bixinta Fiisayaasha Safaaradda Itoobiya ee Hargeysa

0

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland oo ka hadashay sababta keentay fiiso la’aanta dadweynuhu cabashada ma muujiyeen

Hargeysa (Sayruuq)- Safaaradda Itoobiya ku leedahay Hargeysa, ayaa la sheegay in aanay wax fiisoyaal ah bixin muddo saddex toddobaad ah, iyadoo dadweyne arrintaas ka cadhooday cabasho la hortageen Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland shalay.

dadweyne cabanaya

Ilaa hadda hawlwadeennada safaaradda Itoobiya ee Hargeysa si rasmi ah ugama hadal sababta keentay inay fiisoyaal bixin waayaan muddo toddobaadyo ah, balse Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland, ayaa caddaysay inay kulan la yeelan doonto diblomaasiyiinta safaaradda Itoobiya Khamiista maanta.

Dadweynaha cabashada la hortagay Wasaaradda Khaarajiga, ayaa wargeyskaJamhuuriya u sheegay in sababta ay u sameeyeen isu soo baxo la xidhiidho fiisoyaasha safaaradda Itoobiya bixiso oo la joojiyey muddo saddex toddobaad ah.

“Waxa aannu ka cabanaynaa safaaradda Itoobiya oo muddo saddex toddobaad ah maalin kasta aannu ku noqnoqonay si aannu uga helno fiiso aannu ku galno Itoobiya, iyagoo aan noo sheegin wax cad oo ay noogu diidan yihiin fiisaha, markaa waxa aannu garan la’nahay meel aannu u cararno, wasaaraddiina (Wasaaradda Khaarajiga) albaabka ayey naga xidhatay.” Sidaa waxa tidhi hooyo Faadumo Cali Xaaji Xasan oo la hadashay weriye ka tirsan wargeyska Jamhuuriya, iyadoo xustay inay doonayso sidii ay xaalad caafimaad ugu tegi lahayd Itoobiya, balse waqti badan kaga lumay raadinta fiisaha.

Mr. Maxamed Muuse oo ka mid ah dadka cabashada la hortagay Wasaaradda Arrimaha Dibadda shalay, ayaa isna sheegay inay la xidhiidho cabasho muddo dheer soo jiitamaysay oo safaaradda Itoobiya noo sheegi la’dahay sababta loo bixin waayey fiisaha.

agaasimaha dibadda

“Maalmo badan ayaan ku noqnoqday safaaradda si aan uga qaato fiiso aan ku tago Itoobiya, weliba waxba kama helin, wax cadna nooma sheegin oo maalin walba waxay na leeyihiin iska tag maanta, wasaaradeenna khaarajiguna waxba way ka qaban la’dahay,” ayuu yidhi Maxamed Muuse.

Dhinaca kale, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamed Xasan Siciid oo wax laga weydiiyey cabashada dadweynaha ee la xidhiidha fiisayaasha, waxa uu tilmaamay inay arrintaas ka war hayaan, isla markaana kala hadleen saraakiisha Safaaradda Itoobiya, kulan kale oo gaar ahna u ballansan yihiin Khamiista maanta.

“Itoobiya waa dalka keli ah ee si fudud loogu tago baasaboorkeenna, iyadoo fiisaha laga qaato Hargeysa, laakiin cabashadan dadweynaha ee hadda soo baxday waannu ognahay, waanan kala hadalnay Safaaradda Itoobiya, waxaanan ballansanahay berri (maanta) Insha Allaah, man jirto wax fiiso ah oo loo diiday bulshadeenna, waxayna saraakiisha safaaraddu noo sheegeen in fiisayaashu ka kala go’an yihiin, isla markaana loo keenayo hadda waraaqaha fiisayaasha, waxaanan dadkeenna u sheegaynaa inay samir yeeshaan, waana sabab farsamo waxa loo waayey fiisayaashu, wax kaloo dhibaato ah oo jiraana ma muuqdaan,” ayuu yidhi Agaasime Maxamed Xasan Siciid.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.