Dadka Reer Guuraaga Ah Ee Bariga Somaliland Oo Qarka U Saaran Inay Gaajo & Harraad u Dhintaan.

0

Hargeysa(Sayruuq)Xaaladda abaareed ee ka taagan gobollada bariga Somaliland, ayaa la sheegayaa in ay marayso meel aad u halis ah, isla markaana   ay hadda  muuqato saan-saan ah in  dadku ay qarka u saaran yihiin in ay u dhintaan gaajo iyo  haraad.Abaartaasi oo si weyn u saamaysay gobollada Sool, Sanaag, Saraar, Togdheer iyo degaamadda hoos yimaadda, ayaa   sababtay in ay le’daan inta badan wixii ay xoolo dadku haysteen, iyadoo wixii u soo hadhayna ay  yihiin kuwo liita.

Koox weriyeyaal ah oo ka socda wasaaradda warfaafinta Somaliland oo  maalmahan-ba  u   kuurgelaya xaaladda nololeed ee dadka iyo duunyadda dadka degaamadda abaartu ku dhufatay ayaa soo sheegay in  degaamadda ay soo mareen   ay ka jirto Abaar kulul oo si toos ah u taabatay  dadka iyo duunyadaba.

Sida uu ku soo waramayo weriye Maxamed Xuseen Cali, oo ka tirsan TV-ga qaranka Somaliland waxa uu soo sheegay  in ay soo mareen degaamo ka kala tirsan goboladda Saraar, Sanaag iyo Badhan, isla markaana ay   uu indhihiisa ku soo arkay xoollo tiro badan oo abaarta darteed u le’eday,  diif iyo haraad ka muuqda  dadkii xoolo dhaqatadda ahaa. Sidoo kale waxaa ka muuqda  degaanka in uu xaalufay, iyadoo meelaha qaarkood la mooddo gel-gelin aan weligeed waxba ka bixin, isla markaana ay indhuhu diidayaan in aad ku sii hayso abaarta daran eek a jirta awgeed. Iyadoo  dadku   ay  u baahan yihiin  in  si deg deg ah  gurmad iyo caawimo loola gaadho.

Waxa kale oo uu intaa ku daray weriyuhu in ay safarkoodda ku soo mareen degaanka Bohol oo ka tirsan gobolka  Sool,  iyagoo uga sii gudbay bannanka Daba-jiite  iyo Laba-Dunlay,  ilaa tuuladda Siigo-dheer,   oo iyadu ka tirsan degmadda Ceel Af-weyn ee gobolka Sanaag.  Meelahaasi ayaa la sheegay in ay ka mid yihiin  deegaamada  sida aadka ah u xaalufay, isla markaana ay abaartu   haysato dadka xoolo dhaqatadda ah, iyadoo dadkii xoolo dhaqatadda ahaa  wixii  u hadhay   xoolahooda ay miciin bideen in ay  meelo kale ula hayaamaan ,  inkastoo ay jiraan  qoysas ay xooluhu u socon kari waayeen.

Mid ka mid ah dadka xoolo dhaqatadda ah ee degaamadda ay abaartu ku jirto  gaar ahaan meesha la yidhaahdo Siigo-dheer oo ka tirsan degmadda Ceel Af-weyn ayaa ka waramay  halka ay marayso  xaaladoodda nololeed, waxaanu yidhi “Tuuladan la yidhaahdo Siigo-dheer oo ka tirsan Ceel Af-weyn ayaanu deganayn, waxaa nagu dhufatay  oo na haysata abaar aad u ba’an,  dadkii wuu ka guuray wixii ka guuri karayay, wixii aan ka guuri karaynina way joogaan,  cid u gar gaartana ma haystaan.  In yar oo Adhi ah, wixii abaarta ka soo hadhay ayaan  saaka (shalay)  ka soo kexeeyay meeshii aan deganayn, oo aan waxba inoo jirin,  wuu ii socon waayay oo halkaa aan imika joogo wuu ii dhaafi waayay.

Dadku wuxuu u baahan yahay wax u gar gaara,  IILAAHAY ba gar gaarka iska lehe. Dhibaatadda ugu daran ee na haysata biyo la’aan ayaa ka mid ah, daawo la’aan ayaa ka mid ah.” Geesta kale meelaha ay haatan abaarta ugu xun ka taagan tahay waxaa ka mid ah degaanka Karin biyood oo ka tirsan degmadda Ceel Af-weyn ee gobolka Sanaag,   iyo  nawaaxigeedda  halkaasi oo ka mid ahayd meelaha ay sida weyn dadku xoolaha ugu dhaqdaan gaar ahaana Adhiga, hase yeeshee meelahaasi ayaa imika ka mid ah dhulka ugu  daran ee ay  ka jirto xaaladda abaareed. Sidoo kale degaamadda Laas-doomaare, Huluul,  Kal-sheekh, Kal-mac,  iyo degaamadda kale ee hoos yimaadda  degmadda Ceel Af-weyn ayaa  dhamaantood-ba u baahan  in  gurmad  lala gaadho dadka meelahaasi ku nool, kuwaasi oo ay ka bexeen wixii ay xoolo haysteen ee manaafacaadka u ahaa, iyadoo ay haatana muuqato in dadku ay u dhintaan cunto la’aan iyo haraad. Degaamadda ka tirsan gobolka Sanaag  ee ay weriyeyaashu soo mareen waxay sheegeen in ay ku soo arkeen bakhtiga xoolaha oo isugu jira Adhi, Geel iyo Lo’da  o meel walba daadsan,  isla markaaana   qoysaska qaarkood dhamaanba wixii ay  xoolo haysteen in ay ka baxeen. Isku soo wada duuboo, guud ahaanba goboladda bariga Somaliland ayaa waxaa wakhtigan ka taagan abaar aad u daran oo wada saamaysay nolosha dadka iyo duunyada-ba, iyadoo  sida laga soo sheegayo meelahaasi  ay haatan xaaladu gaadhay in  bakhtiga xooluhu  uu tiro dhaafay, hase yeeshee imika loo baahan yahay in la bad-baadiyo dadka oo iyag-na qarka u saaran in ay dhintaan.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.