“Dadka Caddaanka Ahi Ima Oga In Aan Been U Sheegayo,” Trevor Noah

0
“Dadka Caddaanka Ahi Ima Oga In Aan Been U Sheegayo,” Trevor Noah

“Dadka Caddaanka Ahi Ima Oga In Aan Been U Sheegayo,” Trevor Noah
Majaajilaystaha iyo suxufiga reer Koonfur Afrika Mr Trevor Noah oo Axaddii soo jeedinayay filimka Black Panther oo jilayaashiisu ku guulaysteen jaa’isadda jilayaasha ee Oscar ayaa sheeko kaftan ah ka horaysiiyay. Waxa uu sheegay in sheeko khiyaali Afrikaan ah uu dadka uun ka maqli jiray taas oo uu ka sameeyay sheeko markii dambe xiiso yeelatay laakiin, sida uu madasha uga sheegay aan ahayn

waxa uu munaasibaddii biladda Oscar-ka ku soo bandhigay sheeko faneed markii la turjumay xiiso badan yeelatay waxaanu yidhi “ Markii aan aniga oo inan yar ah ku barbaarayay Wakanda, waxaan arkay T’Challa dul duulaya xaafaddayada waxaanu I xasuusiyay odhaah weyn oo ah Xhosa. Wuxuu igu yidhi ‘‘Abelungu abazi ubu ndiyaxoka’ oo macnaheedu tahay ‘ wakhtiyadan oo kale waxaanu ka xoog badan nahay marka aanu wada jir u dagaallano, marka aanu isku dayno in aanu kali u dagaallano.”

Laakiin, odhaahdiisa macnaheedu sidaas maaha. Pumza Fihlani oo ka tirsan BBC-da ayaa sheegay in macno ahaan odhaahdiisu tahay “ Dadka caddaanka ahi imay fahmayn in aan been u sheegayo.”

Arrintaasi ayaa xiiso yeelatay oo lagu qaada dhigay baraha bulshada ee Internet-ka iyo warbaahinta qaybaheeda kala duwan. Wakanda ayaa ah dhul khiyaali ah oo uu boqor ka ahaa T’ghalla markii uu dhintay aabihii Panther waana arrin salka ku haysa sheeko baralayda Afrikaanka ee khayaaliga ah.
Trevor Noah’s best Oscars joke was one you didn’t catch, unless you speak Xhosa

Source: Waaberi

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.