Dacaayadda Siyaasadaysan (Political Propaganda)!/Maxamuud Askar

0

Suuqa fidinta argtiyaha jiheysan ee ku dhisan mala`awaalka iyo u keeyisinta xogo saxa oo loo muujinaayo jaanjuus run ah ,ayaa maalamahan ku soo badanayaa Facebook-ga ,qaabkaasi qori-ismariska ah waxaa uu bulshada ku xidhan Socila Media-ha usoo gudbiyaan fikiro iyo muuqaal ay iskaga dhigayaan in ay daacad ka yihiin waxyaabaha ay soo qorayaan ,balse markaad dhugato midhaha ay xanbaarsanyihiin iyo muuqaalka danbe ee ay haystaan qorayaasha faalooyinka siyaasadda waxaad si fiican u garan karaysaa in uu xanbaarsanyahay ,aragti hoose laakin waxaa uu sheegaya isagu waxaa uu kaaga dhigayaa in uu dhex ka yahay waanaa arrinta loo yaqaano dacaayad Siyaasadeed oo bulshada badankeedu ay u haystaan aragti fayow oo ku salaysan indheer garadnimo buuxda.

Maqaaxiyaha markaad ka shaahaynayso gaar ahaan kuwa ay iskgu yimaadan inta aqoonyahanka ah ee ugu yaraan heer Jamacdeed gaadhay waxaa dhagahayga ku soo dhaca hebel baa saa yidhii ! ogsoonow heblkan uu ka hadlaayo isagaa uga xogbadan xaqiiqada biyo kama dhibcaanka ah ee dalka taale balse waxaa qaadanayaa irbadaasi dacaayadaysan ; si kooban aan u soo dhaweeyo fahamka “Dacaayadda Siyaasadeysan”.
Waa Maxay Dacaayada Siyaasadda?
Daacayadda Siyaasadaysan waa mid ka mid ah wadooyinka olalaha doorashooyinka taas oo la mariyo fariimaha ay xanbaarsantahay warbaahinta si ay u raadeeyaan jihada ay bulshadu raaci laheyd islamarkaana loo dhex galo argtiyahooda iyo qaabka fikirka ,iyadoo la siinayo xog qaarkood run yihiin iyo kuwa been ku salaysan si loo saameyo ra`ayu caamka bulshadda .

Sido kale waa hawulgalo la isku daba ridayo sidi lo badali lahaa dareenka iyo caadifada ,dhaqan ujedadeeduna tahay xaalad abuur iyo kacsanaan fikir ah.
Taariikhadda Dacaayada

Sooyaalka Dacaayda ayaa lagu tiriyaa kolki ay soo if baxday qarniyadii dhexe taaso ku saleysneyd aragti diimeed kadibna waxay noqotay badankeedi mid siyaasadeed bilowgii 1633 ,Kiniisadda Kaatooliga ee Rome ayaa iyaduna u adeegsan jirtay waqtigaa fidinta kirstaameynta , sannadkii 1792 dowladda Faransiiska ayaa sameysay Wasaaradda ku takhasustay Dacaayadda oo ay ka hawul-gali jireen xeeldheerayaal u carbisan dacaayadda ,intaas kadib waxaa faransiiska soo baxay sannado dabadeed kacdoonkii caanaka ahaa ee Faransiiska iyagoo cirkaa ku sii shareeray dacaayadda .balse fahanka hadda ee dacaayadda siyaasaddu xiligii si rasmi ah ay u soo baxaday waa dagaalkii kowaad ee Adduunka intii se ka horeysay waxay aheyd mid u gaar aha boqoradda iyo dadyowga haldoorka ah taa macnaheeduna waa may haysan shacbiyada dadkuna wax aqoon ah umay laheyn.
Dagaalkii labaad ee dunnida ayay horumar balaadhan ku dhacay dacaayadda oo ay soo baxayday tan intana badan laga adeegsado dowladaha saddexaad ee dunnida (Dacaayadda Alabab ilaa Albaad) oo waxaa soo saaray wasiirki dacaayadda ee Hitler ,ila intii waqtigaasi ka danbeysay waxay noqotay xirfad caan ah oo dhankaste loo aadeegsado sida la dagaalanka argagixisadda .

Waxaa jira saddex Dacaayadood oo kala ah (Cadaan,Camuudi,Madow) ta ugu halista badan waa ta dhulka u eego oo ay adagtahay sidaad ku ogaato yoolkeeda iyo isha ay ka soo baxday (Source) waxaana badana adeegsada Idaacadaha caalamiga ah .waana tan aan manta qalinka u qaatey oo rag badan oo kugula jirra Facebook ay adeegsadaan akhristow .
Inta badan waxaa garan kara arrinta dadka u dhuundaloola arrimaha warbaahinta iyo loolanka siyaasadda oo waxay aad u inoogu soo badatay waqtiyadan kala guurka ah ee axsaabta Somaliland xaraaradooda siyaasadeed halkii u saraysay marayso,markaa waxaan bulshadda u sheegi lahaa in aanad ku kalsoonani wax kastoo aad ku aragto Facebook kana fogaada argtiyaha jihaysan ee dacaayada cad ka dhex muuqato waanad garan doontaan marka ay dhabi dhab noqoto dadkaasi reernimada ugu gabanaya propaganda-da .

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.