DABEYSHII SIYAASADA

0

Waxyi iguma soo dego hadana wax ima seegaan.

Sidii aan ka wada weynahaan wax ugu sheegaa.

Wakhti waliba waayiihiisa iyo ma hadhooyinkiisa ayuu wataa illaahayna cidi waxba lama oga sida ay wax noqon doonaan.

Balse falanqayntiisa iyo odoroskiisu inagama madhna anigoo u cuskanaya tiirka maahmaahda somaaliyeed ee gun-dhigeedu yahay (NIMAAN WAXA SOO SOCDA GARANI WAXA JOOGA MA GARTO).

Muranka iyo ged-gedoonka siyaasada Somaliland iyo xisbiyada qaranka ee waagii baryaba qabyada la kowsada waxay ka turjumaysaa bisayl la,aanta ka muuqata hogaanka sadexda xisbi qaran ee Somaliland ka jira sida KULMIYE, WADANI, IYO UCID, majaraha u haya.

kuwaas oo baal maray dariiqa hanashada hogaaminta loo maro, isla markaana la daalaa dhacaya khilaafka iyo muranka dhexdooda ragaadiyay kaas oo nin walba ula muuqda inuu guul ku gaadhayo.

Ka kalena dhabar-jab ku tahay

Balse hadii muranka u dhexeeya hogaanka xisbiga ucid ee qotoma musharaxnimada jamaal cali xussen oo faysal cali waraabe lug kaliya isugu taagay siduu meesha uga saari lahaa musharaxnimada jamaal cali xussen isagoo lugta kalena ku tumaya dhaantada ka socota xisbiga kulmiye sidii gorayadii la sheegayay.

Taas oo u muuqata isbahaysiga dahsoon ee ay ku midaysan yihiin faysal cali waraabe iyo hogaanka xisbiga kulmiye ee muuse biixi cabdi oo u tafa-xaydan sidii jamaal meesha looga saari lahaa si aanu u cidhbo dhawrin cumaamada muuse u hilaabtay noqoshada madaxweynihii bedeli lahaa (SIILAANYO).

Sidoo kale habacsanaanta iyo goosamada uu xisbiga kulmiye u kala jajabay ayaan muuse xisaabta ugu jirin inay saamayn ku keelan karto hanashada hogaanka ee muuse biixi.

Waxa taasna sii dheer isku af-garan waaga  ka yimi diiwaan gelinta cod-bixiyayaasha oo sii socda.

Balse aniga aragtidayda gaaban

Hadii aan ku cabiro  dabaysha siyaasada ee socotaa  dhinac kale ayay ka iman kartaa oo oofta ka qabata nin kasta oo han madaxweyne leh.

Waa hadii wax u sii socdaan siday maanta dabayshu u socoto oo lagu gaadho wakhtigii dalka doorasho xalaali ka qabsoomi lahayd.

Taas oo aan suurto gal ka dhigayn inay doorasho ku qabsoonto mudac mudac ku taagta maanta joogta.

Isla markaana nimaan laga filayn meesha ka soo baxo, waayo hadii xisbiyada tarmayaa aanay qodaxda ka gurin garoonka lagu tartamayo isla markaana la iman nidaam hufan oo heshiis lagu yahay iyagay danbarsanaysaa waayo waxa la yidhi.

KARIS XUN IYADAA WAX KU LA,

xisbiyada mucaaradku ma aqbalayaan korodhsiimo timaada iyo in siilaanyo meesha sii fadhiyo intay iyagu weel u tolayaan talada dalka, sidoo kale  madaxweyne siilaanyo waxa ka go,an inuu si sharaf iyo maamuus leh u wareejiyo xilka isla markaana loo noqdo dastuurka dalka si khilaaf looga badbaado.

Kaas oo dhigaya in talada lagu wareejiyo golaha guurtida isla markaana gudoomiyaha golaha guurtidu talada kala wareego madaxweyne siilaanyo isla markaana dalka gaadhsiiyo wakhti ay ku qabsoonto doorasho lagu kalsoon yahay.

Waxaan ku soo gabagabaynayaa faaladaydan mid  ka mid Maansooyinkii Abwaan Hadraawi.

 

Ceel Walwaaleed

 

Wahe dhalashadaadaan

Farxad waalan gaadhoo

Weedhkiyo dabaylaha

Ama weriyahaagii

Goortaan waraystaa

Werwer ii dhammaadoo

Wahab layga qaadoo

Lugtu weerar mooyee

Wahsigii illowdoo

Wadar iga lib-haysaan

Wiil curad sidiisaan

Wanan kuu bireeyoo

Waayeel duceeyaan

Wacayoo u yeedhee

Walqashaadii maadaa

Cunay waaxyaheedii?

 

Weger iyo ka waaweyn

Tani waa ka waasacan

Hadday ceel Walwaaleed

Ku go’aan wadaamuhu

Waan-waani dhacantee

Wadnahaan farta ku hayaa.

 

Inkastaanu weydeyn

Waranlaha ilaashaa

Waadaasha xooluhu

Iyadaa waraabaha

Wehelkeeda mooddoo

Woohowda diiddee,

Waddo halaq nin moog baa

Waabay ka leefee,

Wed hadday ka nooshahay

Waageed ha gaadhoo

Waxaraha raacdaan

Wakhti kuugu simayee

Goormaad wadaadkiyo

Weliyada sidoodii

Ii waaninaysaa

Wacdi ii furaysaa

Werdi ii rogeysaa

 

Weger iyo ka waaweyn

Tani waa ka waasacan

Hadday ceel Walwaaleed

Ku go’aan wadaamuhu

Waan-waani dhacantee

Wadnahaan farta ku hayaa.

 

Isla-weyn qabkeedaa

Wiyil aan jaraysnayn

Ugu wadha maqaarkoo

Lugta webi u geliyee,

Haddaan weel gun laga tolin

Waayaha adduunyada

Xog-ogaal la weydiin

Ruuxii gu’kaa weyn

Lagu odhan wax ii sheeg

Taladaadu wiilooy

Dalab waayi maysoo

Qofna waari maayee

Mudanaha walaalkaa

Haddii weerar lagu dilo

Isha lalama waabtee

Weerkiyo baroorta

Dadka lala wadaagaa.

Maxamed Mahad Muxumed

Weger iyo ka waaweyn

Tani waa ka waasacan

Hadday ceel Walwaaleed

Ku go’aan wadaamuhu

Waan-waani dhacantee

Wadnahaan farta ku hayaa.

Mohamed Mahad Muhumed Good

 

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.