Dabcasar Oo Mar Kale Hargeysa Lagu Xidhay

0
Somalia: Dabcasar Oo Rasaas Oodda Lagaga Qaaday

Hargeysa(Sayruuq) Dawladda Somaliland ayaa shalay dalka ka mastaafurisay Cabdiraxmaan Xaaji Dabcasar oo dhawr cisho ku xidhna Hargeysa. Ninkan baraha bulshada caanka ka ah iyo wiil uu dhalay ayaa la sheegay inuu codsaday in Jabuuti loo tarxiilo laakiin, laamaha ammaanka Jabuuti ayaa xidhay markii uu ka degay garoonka Jabuuti.

Dawladda Jabuuti ayaa subaxnimadii Jimcaha dib ugu soo tarxiishay Dabcasar Somaliland oo ah dalka uu uga soo dhoofay waxaanay laamaha ammaanku ku xidheen Madaarka Hargeysa. Waxa la filaya in loo tarxiilo meesha kale ee uu codsado iyada oo wararku sheegayaan in uu doonayo in Dubai loo tarxiilo.

Dabcasar oo muuqaal toos ah bartiisa Facebook kaga hadlayay shalay markii ay diyaaraddu kala duulaysay Madaarka Hargeysa ayaa aflagaadaynayay dawladda iyo madaxweynaha Somaliland. Waxa uu sheegay in waxa lagu xidhay ahaa Soomaaliweyn oo ka hadlay kaas oo ah mabda’a uu aamminsan yahay isaga oo ku doodaya in Itoobiya amarka xidhigiisa lahayd.

Ninkan oo caan ku ah in uu dawladdaha iyo beelaha wax ka sheego lama oga ujeedada socdaalkiisan Hargeysa iyo Jabuuti isaga oo intii aanu Hargeysa iman tagay caasimadda Yukrayn oo uu ku andacooday in uu gabadh uu guursado ka sahsanayay.

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.