Dabcasar Oo Dubay Cay La Soo Fadhiistay

0
Somalia: Dabcasar Oo Rasaas Oodda Lagaga Qaaday

Hargeysa(Sayruuq) Cabdiraxmaan Xaaji Dabcasar oo baraha bulshada laga yaqaano ayaa galinkii dambe ee Sabtida laga dhoofiyay magaalada Hargeysa waxaanu gaadhay magaalada Dubay oo uu codsaday in loo dhoofiyo kadib markii dawladda Jabuuti dalkeeda dib uga soo celisay.

Ninkan oo muuqaal toos ah ka soo galay Dubay ayaa sidii lagu yaqaanay cay u miisay dawladda iyo dadka Somaliland isaga oo ku doodaya in Itoobiya laga xukumo waxaanu sidaas si la mid ah u arkayay Jabuuti laakiin, akoonkiisa Facebook ayaa hawada laga saaray isaga oo si toos ah u hadlaya.

Lama oga cidda Boggiisa Facebook hawada ka saartay laakiin, ninkan ayay dawladda Somaliland masaafurisay markii uu aflagaado u gaystay dawladda iyo dadka reer Somaliland

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.