Dabcasar Oo Aflagaadeeyay Somaliland

0
Somalia: Dabcasar Oo Rasaas Oodda Lagaga Qaaday

Hargeysa(Sayruuq) Dabcasar oo ah nin si weyn looga yaqaan baraha bulshada iyo Youtube-ka ayaa sheegay in ciidamada ammaanka Somaliland jidh dil u gaysteen. Waxa uu sheegay in lagu maagay in uu taageersan yahay Soomaaliweyn, isaga oo sheegaya in uu meel kasta oo uu joogo difaacayo aragtidiisa ah in la mideeyo Soomaalida lana xoreeyo meelaha ka tirsan Itoobiya iyo Kenya. waxa uu ku dooday in madaxweynaha Kilalka shanaad ee Itoobiya ka taliyo Hargeysa.

Ninkan oo si toos ah uga hadlayay bartiisa Facebook waxa uu sheegay in ciidamada Madaxweyne Muuse Biixi ka dambeeyeen garaacistiisa isaga oo ku andacoonaya in uu u malaynayo in uu madaxa dhiig kaga furmay. Ma jirto cid caddayn karta dhaawacyada uu sheegayo maaddaama aan la arkayn dhaawacyo muuqda laakiin, wuxuu sheegay in feedhadh lagu dhuftay.

Ninkan ayaa ku andacooday in uu Somaliland kala kulmay wuxuu ugu yeedhay mooryaantii Xamar joogtay oo kale, isaga oo ku dooday in aanay dawladnimo, dastuur iyo kala dambeyni ka jirin. Ninkan oo si weyn ugu soo celcelinayay beesha Isaaq oo uu u muuqday in leeyahay ciidamada Qaranka Somaliland waa beel hubaysan waxa uu ahaa mid hadalkiisu si weyn isu taltallaabayo oo is burinaya.

Ninkan ku soo beegmay caleemo saarkii Madaxweyne Muuse Biixi waxa loo arkayay in lagu casuumay xafladda, waxaanu sheegay in carruur uu dhalay Hargeysa degen tahay. Hore ayaa loo arkayay isaga oo si weyn u ammaanaya dawladnimada iyo horumarka Somaliland. Waxa uu si xor ah u marayay daafaha kala duwan ee caasimadda Hargeysa.

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.