Daawo:Masuuliyiin Khilaaf Cakiran Ka Dhex Qarxay

0
Daawo:Masuuliyiin Khilaaf Cakiran Ka Dhex Qarxay

Daawo:Masuuliyiin Khilaaf Cakiran Ka Dhex Qarxay
Telefishanka Horn Cable ayaa warbixin uu baahiyay ku sheegay in afar masuul oo ka tirsan xukumadda madaxweyne Muuse Biixi khilaaf cakiran u dhexeeyo, islamarkaana ay jiraan qaar kale oo madaxa iskula jira laakiin, aanu wali khilaafkoodu soo shaac bixin.

Guddoomiyaha hay’adda ka hor tagga aafooyinka dabiiciga ah Faysal Cali Sheekh ayaa telefishanka u sheegay in wasiirka beeraha Axmed Muumin Seed aanu wax shaqo ah ku lahayn arrimaha la xidhiidha duufaan la sheegay in ay Somaliland ku soo fool leedahay kadib markii wasiir Seed sabtidii bulshada uga digay Duufaan iyo roobab la saadaalinayo.

Wasiirka gaadiidka iyo horumarinta Jidadka Cabdillaahi Abokor Cismaan iyo guddoomiyaha hay’adda waddooyinka Cismaan Sheekh Cabdi ayaa madaxa iskula jira. Labada masuul oo isku haya awoodda ayaa kiiskoodu gaadhay madaxweyne Biixi oo la filayo in uu u gar naqo.
Muran U Dhexeya 2 Masuul Oo Madaxweynaha Gaadhay
Hore waxa murano xil ka qaadis iyo iscasilaad ku dhammaaday u soo kala dhex galeen madaxda madaxweyne Biixi Qaarkood. Muran u dhexeeyay wasiirka Qorshaynta iyo agaasimihiisa ayaa sababay in Prof Cabdi Cali Jaamac iska casilo agaasimenimada markii dacwaddiisu gaadhay madaxweynaha, halka madaxweynuhu xilka ka eryay Mr Caliyow oo ay madaxa isla galeen wasiir Guri Barwaaqo.

Sayruuqnews
Hargeysa-Somaliland
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.