Daawo: Uhuru Iyo Odinga Oo Markii U Horaysa Kulmay

0
Daawo: Uhuru Iyo Odinga Oo Markii U Horaysa Kulmay

Daawo: Uhuru Iyo Odinga Oo Markii U Horaysa Kulmay

Madaxweynaha Waddanka Kenya Mr Uhuru Kenyatta ayaa markii u horaysay la kulmay hoggaamiyaha isbahaysiga mucaaradka Raila Odinga kadib muddo waddanku ku jiray qalalaase siyaasadeed. Kulankan galinkii hore ee maanta ka dhacay Nairobi ayaa xumad jabin u noqonaya doorashadii kululayd ay ku loolameen Uhuru iyo Odinga August, 8,2017 taas oo muran kadib lagu celiyay October 26, 2017 laakiin, uu Raila Odinga Qaadacay isaga oo mar dambena is caleemo saaray.

Raila Odinga hoggaamiyaha isbahaysiga mucaaradka ah ee NASA waxa uu markii kulanku dhammaaday sheegay in la soo gaadhay xilligii laga shaqayn lahaa midnimada Kenya, islamarkaana ay ka hor tagi lahaayeen in ay Kenya ku hoggaamiyaan jid waddanku ku noqdo waddan fashilmay “Waxa la soo gaadhay wakhtigii aanu xallin lahayn khilaafaadkayaga,” Sidaas ayuu yidhi Mr Odinga.

Waxa uu sheegay in haddii ay Kenya sidan ku sii daawadaan ay noqonayso in ay isla wada degaan “Waxaanu diidnay in aanu noqono hoggaamiyeyaal Kenya ku daawada ama ku hoggaamiya in ay noqoto Qaran Fashilmay,” Sidaas ayuu yidhi Odinga oo intaasi raaciyay in ay isku raaceen Uhuru in la mideeyo bulshada Kenya.

 

Madaxweynaha Kenya ayaa isna sheegay in ay isugu yimaaddeen Kenya sidii xal loogu heli lahaa kala qaybsanaanta reer Kenya ee ka dhalatay doorashadii dhammaatay “Waxaanu isugu nimid in aanu helno xalal lagu mideeyo Kenya,” sidaas ayuu yidhi Uhuru Kenyatta waxaanu intaasi raaciyay “Waxaanu isku raacnay walaalkay in aanu maanta laga bilaabo bilawno hannaan la isugu keenayo bulshada Kenya.”

 

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.