Daawo Sawradii :Madaxweyna Siilaanyo Oo Muqaam Sare Loogu soo Dhaweyey Djibouti

0

 

Djibouti (Sayruuq)Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo oo si heer caalami ah loogu soo dhaweeyey dalka Jabuuti, iyada oo ay garoonka Diyaaraha ku soo dhaweeyeen Raysal Wasaaraha Dawlada Jabuuti Mudane Cabdiqaadir Kaamil Maxamed oo hogaaminaaya Xubno ka mida Dawlada Jabuuti oo u badan wasiiro uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Dibeda Jabuuti mudane Maxamuud Cali Yuusuf, waxa kale oo madaxweynaha ku soo dhaweeyey garoonka Wakiilka Somaliland u fadhiya Jabuuti Mudane Maxamed Xirsi qalinle .

Madaxweynaha iyo Weftigiisa oo Dawlada Jabuuti kala kulmay soo dhawayn aad u qiimo badan ayaa Salaan sharaf ka qaatay Cutubyo ka dirsan Ciidamada Dawlada Jabuuti oo ku sugnaa Madaarka Jabuuti ee Caalamiga ah, iyada oo Madaxweynaha loo gelbiyey dhinaca Hotel Palce Kempinski ama Kambiisi, oo qadar daqiiqado ah ka dib uu ku soo boqday Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Mudane Cismaaciil Cumar Geelle, madaxweynaha Somaliland Mudane Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, boqoshadaasi oo ahayd is xaal waraysi ay labada madaxweyne kulan saacad ku dhawaad ah wada yeesheen.

Waxa la filayaa in saacadaha soo socda ay dhacaan kulamo iyo martiqaadyo dhawr ahi oo madaxweynuhu la yeelan doono madax kala duwan kuwaasi oo aanu idin soo tebin doono insha allaa.

dj10 dj9 dj8 dj7 dj6 dj4 dj3 dj2 dj sl dj 11 dj 5 dj 1

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.