Daawo Muuqaalka Wasiirada Xukumadda Iska Casilay + Qaar Ka Hadlay Sababaha Keenay Iscasilaadda

0

Hargeysa(Sayruuq)- Qaar ka mid ah wasiirada ugu miisaanka culus xukumadda Somaliland ayaa rasmi ahaan u shaaciyay inay iska casileen xilalka ay qaranka u hayeen. wali ma cadda sababta ay isku casileen, balse waxaa la filayaa inay isa soo taraan masuuliyiinta iska casilaya xukumadda Siilaanyo.

Wasiirka madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan;

Wasiirka Arimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis;
wasiirka Shaqadda Cabdi Awdaahir Cali;

Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan;
Wasiir xigeen dib u dejinta Nimco Xuseen Qawdhan’
Wasiirka Caddaaladda Xuseen Axmed Caydiid;
Wasiir Xigeenka deegaanka Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan;
Wasiirka hawlaha guud Cabdirisaaq Khaliif Axmed iyo Afhayeenka madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul, ayaa shaaciyay inay iska casileen xilalka ay qaranka u hayeen. xubnahan oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inay xilalkaasi iska casileen

Xubnahan ayaa sheegay in iscasilaaddoodu ka dambaysay makrii sida ay sheegeen uu madaxweynuhu taageeray dhinac ka mid ah dhinacyadii isku hayey loolanka hoggaanka xisbiga Kulmiye.

Iscasilaadda xubnahan ayaa lala xidhiidhinayaa loolanka Kulmiye. waxa la sheegay in madaxweyne Siilaanyo cadaadis kus aaray wasiiraddiisa inay taageeraan musharax Muuse Biixi Cabdi, maadaama ay wasiirada iyo masuuliyiinta xukumadda badhkood raacsan yihiin wasiir Maxamed Biixi Yoonis.

Xisbiga Kulmiye, ayaa 10ka November ee sanadkan ku qabsanaya magaalada Hargeysa shir golaha dhexe, uu xisbigu ku kala dooranayo murashaxiinta u taagan jagada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka ee doorashada la filaayo March 2017.
muuqaalada Xubnaha iscasilay:-
Wasiirka madaxtooyada Somaliland ayaa sheegaya inuu iscasilaadiisa u gudbin doono madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo.
Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland ayaa isna iscasilaadiisa ka hadlay

Wasiir Cukuse ayaa isagu aan caddayn mawqifkiisa balse wuxuu sheegay inuu ka shaqaynayo ilaalinta qaranka

Axmed Saleebaan Dhuxul, afhayeenka madaxtooyada Somaliland ayaa isna iscasilaadiisa shaaaciyay

Wasiir xigeenka shaqada iyo arrimaha bulshada Somaliland Cabdiwaaxid Cabdiqaadir ayaa sheegaya inay xukumadda uga baxeen markii madaxweynuhu cid gaar ah u xidhay musharaxa xisbiga Kulmiye

Wasiirka caddaaladda Somaliland Xuseen Axmed Caydid, ayaa isna sheegay inuu madaxweynaha saxaafadda u marinayo iscasilaadiisa sidii madaxweynuhu ugu soo mariyay.

Wasiir kuxigeenka hawlaha guud Cali Cabdi Saa’iq ayaa isna is casilay

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.