Daawo: Madaxwaynihii Hore Ee Puntland C/Raxmaan Faroole Oo Hargeysa Yimid Maanta Iyo Nuxurka Arrimaha Lala Xidhiidhiyey Socdaalkiisan

0

Hargeysa (Sayruuq) –Halkan hoose ka daawo madaxwaynihii hore ee maamul goboleedka Puntland C/raxmaan Faroole oo maanta socdaal ku yimid magaaladda Hargeysa, kaas oo si wayn loogu soo dhameeyey madaarka caasimadda ee Egal International Airport.

Mr Faroole ayaa sida ay ilo wareedo lagu kalsoonyahay Haatuf u sheegeen ujeedada socdaalkiisu la xidhiidhaa dhex-dhexaadin la iskugu soo dhawaynayo maamulka Puntland iyo xukuumadda Somaliland, taas oo ay wakhtigan soo dadajisay culayska maamulka Garoowe ka saaran maamul goboleedka cusub ee dhawaan lagaga dhawaaqay ee Galmudug, kaas oo ay taageero balaadhan siisay xukuumadda  Somaliland ee xarunteedu tahay Muqdisho.

 

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.