DAAWO: “Aniga Shilin Wadada Ceerigaabo Igama Leexan Oo Waan Ka Dhaaranaya, Cali Mareexan Isaga Iibsaday Daamurkii Aan Wadada U Dalbay, Odhad Madaxbanan Halagaliyo Kaayaga Musuq Maasuq Ku Soo Baxo”Hoggaamiye Xirsi

0

Hargaysa(Sayruuq)-Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Mud, Xirsi Cali Xaji Xasan ayaa sheegay in aanu shilin dayn ah oo aan Bajadka ku jirin kaga tagin wadada Ceerigaabo, sidoo kale wuxuu sheegay in Wasiirka Hawlaha Guud ee hadda Wadooyinku hoostagaan Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) uu iibsaday Daamurkii Wadada Ceerigaabo uu isagu u dalbay.

image

Geesta kale Wasiirkii hore ee Madaxtooyadda Hoggaamiyaha hadda ee Xisbiga WADDANI wuxuu ka dhawaajiyay inuu ka dhaaranaayo shilin kaga leexday lacagtii wadooyinka, taas badalkeedana uu codsanaayo in odhad madaxbanaan la galiyo Wasaaradda Hawlaha Guud oo qiimeeya intii uu isagu gacanta ku hayay iyo inta Wasiirka haddu uu maamulaayay. Dhinaca kale Wuxuu iyana ka hadlay xaalada abaaraha iyo gurmadkii Xisbiga WADDANI ka gaystay, hadalkii Maayarkii hore ee Muqdisho Tarsan uu ku halqabsaday iyo arrimo kale. Sidaana wuxuu ku sheegay shirjaraa’id oo uu ku qabtay Magaalada Hargaysa. Hadalkii Xirsi Cali Xaji Xasan oo dhammaystiran Hoos ka DAAWO.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.