Daami, Waxa Yaal Dareen Dhaba!

Xaafadda daami iyo dulmanaha la quudhsaday ee degenni, waxay u baahan yihiin, jidad, dugsiyo, adeeg bulsho, nadaafad iyo bilcin.

0
Daami, Waxa Yaal Dareen Dhaba!

Daami, Waxa Yaal Dareen Dhaba!

Nadaafaddu waa nolosha bulshada, ummad ahaan waxay garawsadeen in ay iskood u bilciyaan deegaanka, Daami waxay ka mid tahay xaafadaha la hagraday ee isku raranta ah. Waxaanay bixiyaan cashuur, adeegse kumaa soo nqodo, kamase xuma oo Hargayso idil way dayacantahay baahidana way qabtaa. Haddi ay gabeen oo ka seexdeen golihii la doortay nadaafadda iyo nolosha caasimadda waxay ku dhiirideen ummaddu in ay is abaabusho.

Xaafadda daami iyo dulmanaha la quudhsaday ee degenni, waxay u baahan yihiin, jidad, dugsiyo, adeeg bulsho, nadaafad iyo bilcin. Deegaanka waxa horyaal hal-xidhaale ah in ay golaha ku yeeshaan cid metesha oo ay ka fekeraan doorashada sidii aanay u lumin codkooda, cududooda iyo cuudkood oo ay isu habeeyaan xaafad ahaan iyo deegaan ahaan.

Hargaysa hadhwanaag, caasimadda dalka oo ah halka lagusoo hiranaayo ee ay ka bilaabanto dalnimadeedna dunidu qiimaynayso. Hargaysi way dayacantahay. waddooyinkeedu waa boholo, kudaafad iyo qashin qub. Uma muuq eega Caasimad, waxa hagraday oo halkaa dhigay waa golayaasha deegaanka ee aan damiirka lahayn. Xaafad kastaa waa in ay is abaabushaa oo ay ka shaqaysaa horumarkeeda.

Barkhad Jamac Batun waa dayax godkii degay, dhiiranida, kalsoonida iyo kartida waxa u dheer dareenka dadkiisa iyo deegaankiisa uu ku noolyahay, tallaabadan iyo kuwo hore uu u qaaday boogaadin bay mudan yihiin. Marra waaxid Abaabulka iskaa wax u qabso ee Daamina wuu ku ammaanan yahay.
Maxmed Sidiiq Dhame

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.