CUMAR CARTE IYO ISMAACIIL CALI ABOKOR

0

CUMAR CARTE IYO ISMAACIIL CALI ABOKOR

WQ: Maxamed Haaruun

Janaraal Jaamac M. Qaalib, oo xoog wax uga qoray waayihii uu u soo joogay, ayaa dad badan oo labada oday ee aan kor ku xusay ka mid yihiin kaga warramay qoraaladiisa. Jaamac Hargeysa iyo Muqdisho ba waa kula sheekaystay, waxaanan inta badan wax ka waydiiyaa faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan xogaha uu ku dhiteeyay buugaagtiisa, gaar ahaan midka u dambeeyay ee Xog-ogaalnimo, oo uu kaga warramay nimankaas odayaasha ah.

Dhawaan mar aan sheeko iyo shah wadaagnay odayga, waxa aan su’aalay Carte iyo Abokor waxa ay Maxamed Siyaad isku seegeen. Waxa uu igu yidhi, Cumar waxa ay sababtu ahayd hinaase iyo shaki is huwan, Ismaaciil na, mucaaridnimo. Jaamac waxa uu yidhi, Cumar waxa uu si mug leh ugu horeeyay fahamka iyo xidhiidhada carabta, waxaana la mid ahaa Cismaan M. Jeelle, labadaba na isla taas ayaa loo xidhay. Cumar waxa aad ay isugu dhawaayeen hogaamiyayaasha Khaliijka, gaar ahaan ninkii Imaaraadka xukumi jiray ee Sheekh Saa’id Al-nahyaan, dawladdii Soomaalida na Cumar oo keliya ayay aad isu fahmi jireen.

Taas waxa dhibsaday Maxamed Siyaad iyo dadkii ka ag dhawaa oo dhan, waxa ay se xaajo dhabaqday mar badhtamihii todobaatameeyadii Soomaaliya ay ka qayb gashay shir ay Qaahira ku yeesheen wadamada Carabta iyo Afrika. Waftiga Soomaalida oo M. Siyaad hogaaminaayay waxa ka mid ahaa dad tiro badan, oo W. Khaarajiga oo Carte ahi na ku jiro, intii shirku socday ayaanay waftiga Soomaalidu dalbadeen in ay arkaan Sheekh Saa’id. Dalabkaas looma sheegin Cumar Carte, si qarsoodi ah ayuuna Jaale Siyaad oo ay la socdaan dad badan oo aan hore loo aqooni la kulmeen odaygii Imaaraadka. Jaale Siyaad waxa uu Imaaraadka waydiistay caawimo kala duduwan, hadal badan na waa la galay.

Sheekhii Nahyaan ahaa waa uu dhegaystay, wax jawaab ah na ma ka bixin warkii loo mariyay, xata hal kalmad na ma ka odhan. Waa la isa salaamay, oo la kala tegay. Shirkii waa dhamaaday, wufuuddii na waa kala noqdeen. Wax yar ka dib, ayaa Sheekh Saa’id uu booqasho rasmi ah ugu baxay labadii Yamanood oo waagaas laba dawladood kala ahaa, tii Waqooyiga ee Sanca ayu una ku horeeyay. Jaamac waxa uu yidhi, waftigii Imaaraadka ninkii u sareeyay dhinaca hab-maamuuska (Chief protocol), ayaa la hadlay safiirkii Soomaalida u joogay Sanca, ninkaas oo la odhan jiray Saylici oo ahaa Iidoor, H/jeclo. Sababta aan beesha u sheegay waa kuu bixi doontaa, hadii aanay kuu bixin na, dhib ma laha.

Ninkii waftiga Imaaradka u qaabilsanaa dhinaca maamuuska, waxa uu ku yidhi safiirkii Soomaalida, fadlan dawladaadii war gaadhsii, una sheeg in ay soo diraan Wasiir Carte, saddex maalmood baanan joognaa Sanca ee ha yimaaddo Sheekh Saa’id baa doonaayee. Safiirkii waxa uu war degdeg ah u soo diray Muqdisho, waxa uuna ku soo hagaajiyay Wasaaradda Khaarajiga oo uu markaas Agaasime Guud ka ahaa Cabdiraxmaan J. Barre, oo ay Jaalle Siyaad walaalo ahaayeen. Ninkii Agaasimaha ahaa, oo dabcan la socda in dareen taban laga qabo xidhiidhka Carte iyo Carabta, oo walaalkii hoos u og, ayaa warkii Sanca ka yimid aan gaadhsiinin Madaxtooyada.

Laba maalmood markii jawaab laga waayay Muqdisho, qoladii Imaaraadku na ay dhawr jeer soo waceen safiirkii, ayaa ay ku yidhaahdeen, waftigu waxa ay u gudbayaan dhinaca Cadan oo ay joogayaan dhawr maalmood oo kale, markaa dawladaadii u sheeg in uu Sheekh Saa’id Cadan kula kulmi doono Cumar Carte. Ninkii Safiirka ahaa oo yaabban, ayaa soo raacay diyaaraddii Somali Airline, oo usbuucii hal mar tegi jirtay Sanca, Muqdisho ayuna ka soo degay. Kolka Safiirada Soomaalidu caasimadda yimaaddaan, dhaqanku waxa uu ahaa in ay toos ugu tagaan Jaalle Siyaad, sidii baanu yeelay Safiir Saylici. Kolkii uu Madaxweynihii u warramay, waxa uu amray in Cumar Carte uu degdeg ugu baxo Cadan, lana soo kulmo Madaxweynaha soo dalbaday.

Cumar sidii baa uu yeelay, kolkii uu Sheekh Saa’id arkay na, waxa uu ku yidhi – Cumaroow kolkii dhawaan aad Qaahira Timaadeen ma fahmin waxa aad u jeedeen ee maxaa jira? Dabcan Cumar ma ogayn waxa uu Saa’id ka hadlaayo, waxa uuna yidhi aan isku noqono, Nahyaan na wuu la qaatay, in uu Abu Dabi ugu yimaad na wu ka dalbaday. Cumar Muqdisho ayuu ku soo laabtay, kolkii uu xog buuxda ka helay Jaalle Siyaad na, dib ayuu u noqday isaga oo sii raacay Somali Airline oo caasimadda Imaaraadka u duuli jirtay usbuucii hal mar. Qoladii Imaaraadka wuu u faahfaahiyay waxa ay Soomaaliya ka doonayso, taas oo ay u badnayd taageero dhaqaale, oo ay ku jirtay diyaarado loo iibinaayay Somali Airline.

Sheekhii Imaaraadku waa wada ogolaaday wixii Soomaaliya dalbatay oo dhan, Cumar na waxa uu soo siiyay diyaaraddiisii gaarka ahayd oo Muqdisho keentay, isaga oo diidaayay in uu Cumar hal usbuuc sugo inta ay soo marayso diyaaraddii Soomaalidu. Taasi waxa ay sii xoojisay hinaase iyo tuhun is huwanaa oo laga qabay xidhiidhka Carte iyo Carabta u dhexeeya, oo loo arkay in uu kaba culusyahay midka Hogaamiyaha Kacaanka, Aabaha Garashada, Jaale Siyaad iyo Carabta u dhexeeya. Jaamac waxa uu yidhi – la isma waydiinin ninkani muxuu qaranka u soo qabtay, ma guul mise guul-darro? Xataa la isma waydiinin diyaaradda kol hadii uu bixiyay ninkii martida loo ahaa, Cumar miyuu diidi karaayay? Waxaas aan micnaha ba lahayn, oo weliba shaki u badan, ayaa Carte lagu xidhay, saaxiibkii Cismaan M. Jeelle na waa la raaciyay oo isku dambi baa loo haystay – maxaa carabta u af taqaanaan?

Geesta kale, Ismaaciil C. Abokor, isaga tiisu waa ka duwanayd. Ismaaciil waxa uu ka mid ahaa askartii inqilaabka dhigtay, ku xigaha Maxamed Siyaad na wuu ahaa. Ismaaciil waxa uu ka mid ahaa dadkii xoog uga xumaa habka keli teliska ah ee Siyaad ku dambeeyay, iyo dawladnimadii oo laga dhigay musuq iyo qaraabo kiil. Waxa dhacday mar uu Siyaad safar debedda ugu maqnaa, oo Ismaaciil na ahaa sii hayaha xilka Madaxweyne, in uu si cad tiyaatarka ugaga khudbeeyay in waddanku dib ugu noqday wixii ciidamadu ka gadoodeen markii hore ba, waxaas oo ahaa musuq iyo maamul xumo, mana aqbalayno.

Ismaaciil waxa uu halkaas ka yidhi – anigu musuq ma ahi, wax meel ii yaallaa na ma jiro. Xataa aabahay Cali Abokor oo dhawaan dhintay, shan kun oo shilin oo kharashkii aaska ah waxa aan dayn ahaan uga qaatay khasnadda Xisbiga. Warkii dabcan durba waxa uu gaadhay Maxamed Siyaad oo soo laabtay, beryihii dambe na, marka uu safar u baxaayo ma ka tegi jirin Ismaaciil, buu Jaamac yidhi. Ismaaciil waxa uu wax ku lahaa ama uguba horeeyay abaabulkii SNM ta, isaga ayaana sabab u ahaa bixitaankii Lixle uu Muqdisho ka tegay, ka dib na, Itoobiya u talaabay. Ismaaciil waa uu yaqaanay kartida iyo shakhsiyadda Lixle oo ciidamada ayaa ay wada ahaayeen, ayaa uu Jaamac yidhi. )Fiiro gaar ah, intiina aan aqoonin, Lixle waxa uu ka mid ahaa hormuudkii halgamayaashii SNM ta, ee nafhurka u sameeyay qadiyadda waagaas lagu sheegi jiray mid Soomalaiyeed, aakhirkii na noqotay mid reer)

Al-muhim, Ismaaciil iyo Siyaad qisadoodu waxa ay figta u saraysa gaadhay mar dambe oo Ismaaciil uu Ciraaq booqday. Ismaaciil iyo Carte oo wada socda, ayaa booqday Saddaam Xuseen, lacag nus milyan ah ayuuna siiyay labadooda. Ismaaciil lacagtaas ma u keenin Siyaad Barre, laakiin se si uun baa warkeedu durba u soo baxay oo Muqdisho ku faafay. Taasi waxa ay sii xoojisay tuhunkii uu Siyaad qabay ee ahaa in uu Ismaaciil ku hawlanyahay abaabul jabhadeed, oo isaga aanu daacad u ahayn. Sidoo kale, in uu dhaqaale helay na waxa uu ku micnaystay in uu Ismaaciil ololihiisii uga faaiidaysanaayo. Xadhiga Ismaaciil halkaas buu ku lug lahaa, markii maxkamadda la keenay na, waxyaabihii lagu eedeeyay intaasi ba waa ka mid ahayd.

Markaa waxa aan ku idhi –markaa Siyaad waxa uu Ismaaciil ku haystay shaki ma ahayn sida Carte oo kale. Jaamac waxa uu yidhi – haa, waxyaabo uu ku hayay waa jireen, laakiin marnaba ma ku saxnayn in uu xidho/dilo cid kasta oo wax la leh, laakiin saluugta sida wax u socdaan. Axmed Saleebaan-dafle ayay Ismaaciil isku wacnaayeen, aad na wuu u fahamsanaa in aanu Ismaaciil inqilab ku lug lahayn sida uu Siyaad malaynaayay, laakiin shakhsiadda Dafle ayaa ahayd mid daciif ah, mana uu awoodin in uu Siyaad u badheedho, oo ku adkaysto in aanu Ismaaciil Inqilaab wadin.

Geesta kale, Aniga iyo Siilaanyo ba, marar aad u badan buu nagaga cawday in aan ka hor jeedno, oo kacdoomada Waqooyiga shidayno, laakiin waanu diidi jirnay mar kastaba, ayuu Jaamac yidhi. Xataa ganacsadihii Ina Xarbi iyo Xaaji Cabdi-waraabe oo uu Siyaad la sheekaysan jiray, marar badan buu ergo ahaan noogu soo diray. Mar uu ina Xarbi debedda u dhoofaayay, Siyaad waxa uu ku yidhi – adiga oo aan Siilaanyo iyo Jaamac arrintayada dhamanayn ha noo kala tegin, hadii kale ha odhan goor dhow wax baa dhacay. Ina Xarbi taas waxa uu u qaatay hanjabaad kama dambays ah, sida xadhig ama dil iwm, xoog buuna noola hadlay. Labadayadu ba waxa aan ku nidhi – Siyaad waxa uu doono ha yeelo ee dan uga bax, maxaa yeelay anaku wax aanu gooni u wadnay ma jirin, amuuraha Waqooyiga ka socday na, in aanaan Siyaad ku raacsanayn sida uu u fasiraayo, amaba uu doonaayo in uu ku xalliyo, marar badan baan u sheegnay oo qarsoodi ma ahayn, wax kale oo aan ka dayno oo aan ku wadnay na ma jirin. Markaa Xarbi wuu iska dhoofay, anaka na cidi nooma imanin.

Isku soo wada duub, waagaas waxa dhacaayay iyo waxyaabo maantadan dhacaaya ayaa xoog isu leh. Waxa aadba mooddaa maalmihii tegay in aanay wax jiray ba ahayn. Henry Kisinger baa laga hayay – aadmigu casharka u weyn ee ay taariikhda ka bartaan waa in aanay waxba ka baranin! Aadmi kale ma jiro ee malaha Soomaalida ayuu sheegaayay baan is idhi. Talo maroorsi, nin jeclaysi, qaraabo-kiil, sharci ku tumasho iyo musuq ninka waxa laga dhaxlay ogaa, ee hadana isla intii uun wada, muxuu doonayaa?

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.