Culimada Somaliland Oo Xukumadda Ku Taageertay Fulinta Qisaasta,Kuna Dhiirayay Inay Wadaan Xuduudka Alleh

0

Hargeysa(Sayruuq)- Culimada waaweyn ee dalka, ayaa Khudbadohoodii jimcaha si adag ugaga jawaabay hadalka ka soo jeedhay waddamada reer galbeedka ee ku saabsanaa qisaastii la fuliyey.Culimada ayaa cambaareeyay baaqee reer galbeedku ka soo saaray fulinta Qisaasta oo ay Somaliland ku cambaareeyeen kuna sheegeen xadgudubka.

Culmidan oo si isku mid ah masaajidada ay khudbadaha ka jeedinayeen ugu soo qaatay hadalkan reer galbeedka, ayaa sheegay inay madaxweynaha iyo xukuumaddii u bogaadiyanaan qisaasta uu sameeyey, waxaany ugu baaqeen in la si wado qosaastaasi.

Culimada ayaa fulinta Qisaasta ku tilmaamay Amarka Alle oo la fuliyay. Waxay sheegeen inay tahay Alle oo laga farxiyay iyo Gaalada iyo Shaydaanka oo laga cadhaysiiyay, iyagoo iftiimiyay in haddii la joojiyo ay muuqan doonto in xukumadda loo yeedhiyo go’aamada ay qaadanayso.

Masaajida ay ka mid yihiin, Masjidul Jaamacul Khayr ee Hargeysa,  Daarul quraan, Masjidul Ikhlaas iyo maasijddo kale  oo badan, ayaa  waxa ay culimadu xukuumadda ku bogaadiyeen fulinta qisaastaasi, iyaga oo jawaabna ka bixiyey hadalkii ay reer galbeedku ku sheegeen  in Somaliland joojiso qisaasta.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.