Cukuse Oo Jaaliyadda Faaransiiska Uga waramay Sooyaalkii Saxafadda Somaliland

0

Oishi (Sayruuq)-  “Waxaynu Somalida Kale Dheer Nahay Madaxweyne Ruugcadaaya Siyaasi La Da’ah Oo La Khibrad Ahi Jirin Iyo Guurtidda Oo Marka Aynu Murano Ina Kala Saara “Wasiir Cukuse Wasiirka Warfaafinta, Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka Somaliiland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa loogu soo dhaweeyey Magaaladda Oishi ee dalka Fransiiska, waxaana halkaasi ku soodhaweeyeen Safiirka Somaliland dalkaasi u fadhiya Cali Ismaaciil Xasan iyo Jaaliyadda Somaliland ee Faransiiska.

Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa ugu mahad naqay sida ay u qaabileen Jaaliyadda Somaliland ee dalka Fransiiska, iyada oo uu sido kale uga xog waramay xaaladda dalku maraayo wakhtigan. Wasiirka Warfaafinta Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka Somaliiland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo arimahaasi ka hadlaayey waxa uu yidhi “Marka hore aad iyo aad ayaan idiinku mahad celinayaa sida sharafta leh ee dalkan aad iigu soo dhaweyseen idinka oo ah Jaaliyaddii Somaliland ee dalk Faransiiska ku dhaqnaa, dadka waxaynu dheer nahay Siillaanyo iyo guurtidda oo waxaynu dheer nahay madaxweyne ruug cadaayaa oo waxaynu dheer nahay Siyaasi la da’ah oo la khibrad ah, waxaynu dheer nahay Somalida kale Siyaasi u soo samray dalkan oo waxaynu dheer nahay hogaamiye maalintii geedka lagu riday ilaa maanta oo midhihiisi la goosanaayo soo taagna maalin walbana geedka intii uu tari karaayey taray, waxaynu dheer nahay guurti marka aynu murano in kala saarta”

Wasiir Cukuse oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Waxaynu dheer nahay Saxaafad wanaagsan waana markii u horeysa ee aan saxaafadda amaano, laakiin saxaafaddaasi waan amaanayaa marka aan qurbaha joogo oo waan idiin sheegayaaye saxaafaddeenu ma wada xuma oo saxaafaddeenu way la koreysaa oo imika inta yar ee aad dareenteena waxa weeyaan berigii Madaxweynihii Cabdiraxmaan Axmed Cali uu joogay ALLE ha u naxariiste 2-ba sanno ayey ahey oo labada sannadood sideetameeyo Saxaafadi intay sameysmeen ayuu dalku ahaa mid qorigu sareeyo oo wuxu ahaa dal aanay dawladnimadu istaagin oo dhaqaale jirin oo markiiba way baabeen, Dawladdii Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal waxa jiray wargeysyadii Jamhuuriyadda iyo Haatuf oo kaliye waxa soo raaciyey Somaliland Space Channel Tv oo Hargeysa oo kaliya ku koobnaa,dawladdii Daahir Riyaale Kaahin Ilaahay ha ka raali ahaado madaxweynahaasina saxaafaddu wakhtigiisii way koreen oo waxay soo gaadheen Jaraa’id oo Tv-yaduna 2 ilaa 3 ayay ahaayeen oo marka kuwa afka Somaliga ku hadla ee Somaliland-na waabay yaraayeen”

 

Wasiir Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo si qoto dheer faahfaahin uga bixinaayey Saxaafadda Somaliland iyo maanta halka ay mareyso waxa uu yidhi “Maanta halkan aad qabyaaladda iyo maqalkeeda ka dareemeysaan halkan muranka aad markiiba guryihiina idinka oo jooga ka dareemeysaan, idinka oo dhulka Sodoneeyada Kun ee Kiilomitir u dhexeeyaan jooga uu warku Kunka badood ka soo talaabayo waxa weeyaan saxaafaddii ayey tiradoodi bada tahay oo dhawr iyo Toban Wargeys ayaa ka soo baxa Hargeysa oo 8-Tv ayaa maalin kasta hadlaaya oo subax kasta dad uu ka hadliyo deydayaaya waxa intaasi dheer dhawr Kun oo Wepsite,marka kuwaasi oo dhawn ayaa muranka ambaaraya oo badnida ay bateen ayaad moodeysa inay qabyaaladii badatay oo waxba ka may badanin ee awala Marfishyada ayey ku koobneyd imikana Tv-yadii ayey gashay iyo Wepsites-kii kolka wax weyn maaha ee dunidii ayaa marfish kaliye noqotay ee aad haw dhibsanina oo dhibaatadoodu maaha mid dalka guddihiisa ka jirta oo sida idinku ugu damqaataan walaahi in laydinka na xariisto (Shaaliyaddaha Qurbajooga Somaliland) xaq ayaad u leedihiin , Alxamdulilaa awal hore saxaafadda xeerar aanu ku dhaqna may jirin hadase waxaanu sameynay xeer aanu isla wada ogol yahay oo hore iyo xeer nidaamiye aanu ay iyagu sameysteen kuwaasi oo bari hore inta la sameeyey aanu imika dib u nooleynay oo xeerarkaasi ayaanu imika aanu dooneyna inay wax bedelaan dawladdana xil ayaa ka saaran aqoontooda inay wax badan ku kordhiso waananu dadaleynaa oo waxa aanu qaban doono ayey wax noqon doonta”

Sayruuq.com

Xaafiiskaga Waraka Dibadda

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.