Corona Virus oo laga helay Kenya

0

Corona Virus oo laga helay Kenya

Dowladda Kenya ayaa xaqiijisay kiiskii ugu horeeyey ee cudurka halista ah ee Coronavirus oo laga helay dalkeeda.

Xoghayaha Golaha Wasiirada Kenya Mutahi Kagwe ayaa Maanta oo Jimco ah xaqiijiyey in qofka laga helay cudurkaan uu yahay Haweenay u dhalatay dalka Kenya oo ka timid Mareykanka soona martay Ingiriiska.

Xoghayaha ayaa sheegay in qofka laga helay uu yahay qof dumar ah taasoo la sheegay in xaaladeeda ay hadda wanaagsan tahay ayna awoodo cunista raashinta.

Wuxuu sheegay inaan weli isbitaalka laga soo saarin qofkaas, isla markaasna baaritaan lagu ogaaday inay qabto cudurkaas, waxayna ku jirtaa Isbitaalka guud ee Cudurada ay leedahay Kenya.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay baadi goob ugu jirto dhammaan dadkii ay haweeneydaan la kulantay tan iyo markii dalka kusoo noqotay.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay joojisay dhammaan duulimaadyadii debadda uga imaanayey illaa kuwa laga maarmi waayo maahane.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.